HomeWararHay’adda IMF oo shuruud adag ku xirtay si Dowladda Federalka loo siiyo...

Hay’adda IMF oo shuruud adag ku xirtay si Dowladda Federalka loo siiyo Amaah Lacageed

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wafdi Sare oo ka socday Hay’adda Caaalamiga ee Lacagaha Adduunka ee IMF ayaa dhawaan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, iyadoo Madaxda Dowladda Federalka  kala hadlay Qaabkaa ugu wanaagsan ee loo soo nooleyn karo Xiriirka labada dhinac. Madaxa Wafdiga IMF, Rogerio Zandamela ayaa sheegay inuu soo kobcayo Dhaqaalaaha Somalia, marka loo eego qaabkii uu ahaa 25-kii […]

- Advertisement -

Wafdi Sare oo ka socday Hay’adda Caaalamiga ee Lacagaha Adduunka ee IMF ayaa dhawaan booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, iyadoo Madaxda Dowladda Federalka  kala hadlay Qaabkaa ugu wanaagsan ee loo soo nooleyn karo Xiriirka labada dhinac.

Madaxa Wafdiga IMF, Rogerio Zandamela ayaa sheegay inuu soo kobcayo Dhaqaalaaha Somalia, marka loo eego qaabkii uu ahaa 25-kii sannadood ee la soo dhaafay.

- Advertisement -

Rogerio Zandamela  waxa uu farta ku fiiqay in sare u kaac laga dareemayo Wax-soo-saarka Somalia, gaar ahaan dhinacyadda Xoolaha, Kalluumeysiga, Wershadaha, Isgaarsiinta, Dhismooyinka, Xawaaladaha Lacagaha iyo Beeraha.

Wuxuuna intaasi ku daray inay Soomaalida Qurbo-joogta ah kaalin muhiim kaga jiraan Adeegyadaasi, wuxuuna ammaanay ammaanka soo hagaagayo ee Somalia.

Mas’uulkaasi waxa uu qiray inuu dalka Somalia leeyahay Kheyraad Dabiici ah ooay ku jiraan Shidaalka, Gaaska Dabiiciga, Kalluumeysiga iyo kuwo badan, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxa Wafdiga Hay’aadda IMF ee dhawaan booqashadda hawleed ku yimid magaalladda Muqdisho, Rogerio Zandamela waxa uu tilmaamay inaysan Hay’aadda IMF wax Amaah Lacageed siin doonin Dowladda Somalia, tan iyo inta la isku waafaqayo qaabkka loo bixinayo Amaahdii Lacageed ee horey loo siiyey Somalia.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in aysan Hay’addu bixin doonin Amaah kale, balse ay Somalia ka taageeri doonaan dhinaca La-talinta iyo Farsamooyinka Wanaajinta Dhaqaalaha iyo Nidaamka Bangiyadda.

Rogerio Zandamela  waxa uu xusay inay  Somalia ku leeyihiin lacag amaah ah oo dhan  328 million oo Dollar.

Latest stories