HomeWararAfartameeyo Askar Ethiopian ah oo ka baxsaday dalkooda

Afartameeyo Askar Ethiopian ah oo ka baxsaday dalkooda

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Ilo ku dhow Telefishinka ESAT ee fadhigiisa dhexe ku yaallo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegay inay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Ciiddanka Cirka ee Ethiopia ka baxsadeen dalkooda hooyo. Telefishinka (ESAT) waxa uu sheegay inay tiro ka mid ah Ciiddanka ka hawlgala Xarumaha Ciiddanka Cirka ee Debre Zeyit iyo 14 […]

- Advertisement -

Ilo ku dhow Telefishinka ESAT ee fadhigiisa dhexe ku yaallo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegay inay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsan Ciiddanka Cirka ee Ethiopia ka baxsadeen dalkooda hooyo.

Telefishinka (ESAT) waxa uu sheegay inay tiro ka mid ah Ciiddanka ka hawlgala Xarumaha Ciiddanka Cirka ee Debre Zeyit iyo 14 farsamo-yaqaano iyo tiro Duuliyayaal ah baxsadeen bishii la soo dhaafay.

- Advertisement -

Ciiddankaasi baxsaday ayaa la rumeysan yihiin inay mar hore ka firxadeen Ethiopia, iyadoo tiro badan la filayo inay ku biireen Mucaaradka ku kacsan Dowladda Ethiopia.

Bilowgii sannadkan Afar Duuliye oo Ethiopian ah oo kaxayn jirey Diyaaradaha Dagaalka ee MIG 23 iyo Helikoptaradda nooca MI 35 ayaa u baxsaday dalka Kenya.

Bishii October ee sannadkii la soo dhaafay, koox ka kooban 8 Duuliye  ayaa u baxsaday dalka Eritrea, iyagoo codsaday magangelyo.

- Advertisement -

Sidoo kale,Saddex Sarkaal sare oo watay Diyaarad Helikopter ah ayaa isku dhiibay Maamulayaasha dalka Eritrea.

Sannadkii 2005-tii, 7 Duuliye Ciiddanka Cirka Ethiopia oo tababar ku soo qaatay Israel ayaa isku dhiibay Safaaradda  Eritrea ku leedahay Israel.

 

Latest stories