HomeWararSoomaali oo lala xiriirinayo Alshabaab oo la amray in lagu sii hayo...

Soomaali oo lala xiriirinayo Alshabaab oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga Mombasa.

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Boliska magaalladda Mombasa ee dalka Kenya ayaa loo oggolaaday inay muddo Toddobaad ah Xabsiga ku sii hayaan 6 Muwaadin oo Soomaali ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabaab. Garsooraha Sare ee Maxkamadda Mombasa, Richard Odenyo ayaa sidaa xukmiyey, kadib, markii ay Boliska codsadeen waqti dheer oo ay baaaritaano ku sameeyaan Eedeysanayaashaasi […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska magaalladda Mombasa ee dalka Kenya ayaa loo oggolaaday inay muddo Toddobaad ah Xabsiga ku sii hayaan 6 Muwaadin oo Soomaali ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin Xarakadda Alshabaab.

Garsooraha Sare ee Maxkamadda Mombasa, Richard Odenyo ayaa sidaa xukmiyey, kadib, markii ay Boliska codsadeen waqti dheer oo ay baaaritaano ku sameeyaan Eedeysanayaashaasi oo muddo kooban ka soo hor muuqday  Maxkamadda magaalladda Mombasa.

- Advertisement -

Magacyadda Eedeysanayaasha lala xiriirinayo Alshabaab waxaa magacyadooda lagu kala sheegay:-  Sahra Hassan Hussien, Abdifath Hassan, Ali Abdulahi Ismael Sheikh, Muxumad  Isaaq Muxumad Ibrahim, Ali Hassan Abubakar iyo  Aweys Mohammed Sheikh.

Eedeysanayaasha ayaa la sheegay in bishii la soo dhaafay ee July 30-dii laga soo qabtay agagaarka Dhul-kaymeedka Boni Forest oo ay ku xooggan yihiin Daagalamayaasha Jeysh Ayman ee ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

Wargeyska Daily Nation ayaa ka soo xigtay Sarkaal ka tirsan Dacwad-oogayaasha Boliska Mombasa inuu ku dooday inay Sahra Hassan Hussien dhawaan ka soo laaabatay Somalia, isla markaana ay shanta nin ee la eedeysan u qortay si ay ugu biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

- Advertisement -

Sahra Hassan Hussien ayaa qiratay inay labo toddobaad ka hor ka soo laabatay Somalia, waxayna hoosta ka xariiqday inaysan taasi micnaheedu ahayn waxaad tahay Muwaadin Somali, balse taasi la micno ma ahayn inay ka tirsan tahay Alshabaab.

Sidoo kale, Abdifath Hassan oo ka mid ah dadka la soo eedeeyey ayaa sheegay inay Boliska ka soo qabteen isagoo ku sugan Dukaan ay Hooyadiisa leedahay.

Waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu yahay Muwaadin Kenyaan oo leh Baasaboor iyo waraaqaha Aqoonsiga, wuxuuna Boliska ku eedeeyey  inay si sharci-darro ah ku soo xireen, isla markaana ay waqti ka lumiyeen.

Guud ahaan Eedeysanayaasha waxay beeniyeen inay xubno ka ahayn Dagaalamayaasha Alshabaab, waxaana la filayaa in Maxkamadda Mombasa la hor keeno bishan August 7-da, si loo sii ambaqaado Eedeymaha loo haysto iyo Caddaymaha ay Boliska keenaan.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts