HomeWararDalladda Warbaahinta SIMHA oo cambaareeyey Suxufinta ay Ahlu Suna ku xireen magaalladda...

Dalladda Warbaahinta SIMHA oo cambaareeyey Suxufinta ay Ahlu Suna ku xireen magaalladda Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Guddoomiyaha Dalladda Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Somalia (SIMHA), Hassan Ali Geesey ayaa sheegay inay ka xun yihiin xariga ay Maamulka Ahlu Suna Wal-jameeca Jimcihii ku xireen saddex Saxafi oo ka hawlgeli jirey magaallo-madaxda Gobalka Galgaduuud ee Dhuusa-ma-reeb.

Guddoomiyaha SIMHA, waxa uu ugu baaqay Maamulka Ahlu Suna inay shuruud la’aan sida ugu dhaqsaha badan u sii daayaan Suxufiyiinta u xiran.

“Waxaan ugu baaqaynaa Ahlu Suna Wal-jameeca inay xushmeeyaan Warbaahinta, isla markaana u oggolaadaan Suxufiyiinta inay si xor ah uga hawlgalaan Deegaanadda ay Ahlu Suna ka taliyaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Dalladda SIMHA.

Suxufiyiinta ay Ahlu Sunna ku xireen magaalladda Dhuusa-mareeb waxay kala yihiin:- Mohamed Abdi Mohamed, oo u shaqeeye Telefishinka Qaranka ee SNTV, Abdijamal Macalim Ahmed oo u shaqeeya Kalsan TV iyo Bashir Mohamud Salaad of ka tirsan Horncable TV.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Dalladda SIMHA, waxa uu Waxa kaloo uu ku booriyey Kooxaha Siyaasadda ee Goballadda Dhexe iyo guud ahaan Siyaasiyiinta Soomaalida inay xushmeeyaan muhiimadda Warbaahinta iyo Xuquuqda Suxufiyiinta ka hawlgala gudaha Somalia.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories