HomeWararWasiir Diini: “Horumar waxaan gaari karnaa markaan dib u dhisno Ciidanka Qaranka”

Wasiir Diini: “Horumar waxaan gaari karnaa markaan dib u dhisno Ciidanka Qaranka”

Date:

Related stories

Macallin Texas ah oo ooyay ka dib markii ardayda sare ay wax qori wayeen

Macallin ka tirsan dugsi sare oo Texas ah ayaa ilmeynaya kadib markii uu ka hadlay arday 17 iyo 18 jir ah oo weli la tacaalaya xirfadaha aasaasiga ah ee akhriska iyo qorista.

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa warbixin ku aaddan xaaladda ammaanka dalka, dagaalka lagula jiro nabad-diidka, dhismaha iyo isku-dhafka ciidamada qalabka sida, waxa uu siiyey shirkii Madasha Sare ee Iskaashiga ee barnaamijka Hiigsiga Cusub ee lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wasiirka oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Dawladda […]

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa warbixin ku aaddan xaaladda ammaanka dalka, dagaalka lagula jiro nabad-diidka, dhismaha iyo isku-dhafka ciidamada qalabka sida, waxa uu siiyey shirkii Madasha Sare ee Iskaashiga ee barnaamijka Hiigsiga Cusub ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

Wasiirka oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada horumarka ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay guulo ka gaareen hawlgalka dalka lagaga sifaynayo kooxda Shabaab, isagoo xusay in dhammaan hawlgaladii dhowaan la qaaday lagu guuleystay, isla markaana xilliga dhow ee soo socda la bilaabi doono hawlgallo kale oo laga samaynayo qaybaha dalka.

Mudane Diini, ayaa sidoo kale shirka ka sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ay haystaan caqabado dhinaca baahiyahooda ah sida hubka rasasta, isgaarsiinta iyo agabka ciidamada. Wasiirku waxa uu xasuusiyey Xukuumadda Soomaaliya iyo wakiiladda beesha caalamka inay lagama maarmaan tahay dhismaha ciidanka dalka, si ammaanka dalka loo hanto, oo meeshana looga saaro kooxaha argagaxisada ah ee khatarta ku ah Soomaaliya, dalalka gobolka iyo adduunka oo dhan.

Wasiir Cabqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ka hadlay isku-dhaf ciidamada oo uu sheegay in hawl wanaagsan laga qabtay, isagoo xusay in la wado qorshaha Guulwade oo lagu qorayo ciidamo ka socda qaybaha dalka oo dhan.

- Advertisement -

Gen. Diini ,ayaa ugu danbayntii shirka ku guubaabiyey in dalalka saaxiibka ah ay ka dhabeeyaan balanqaadyadii ay u sameeyeen taageerida dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo ee ah Soomaaliya xasiloon oo horumar samayneysa.

—Dhammaad—

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

IMG 1962
IMG 1964
IMG 1986
IMG 1992

 
1px
©2015 Minister Of Defense | Mogadishu | Somalia

Latest stories