HomeWararOrodyahanka Somali-Britishka Mo Farah oo la shaaciyey inuusan isticmaalin Daroogo

Orodyahanka Somali-Britishka Mo Farah oo la shaaciyey inuusan isticmaalin Daroogo

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Hadal ka soo baxay Guddiga Ciyaaraha Fudud ee dalka Britain UK Athletics ( UKA)   ayaa lagusheegay inuu Orodyahankaasi aanu isticmaalin Daawooyinka loo adeegsado Firfircoonida Murqaha,oo horey loogu eedeeyey inuu isticmaalo marka uu ka qeyb galayo Tartamada. Mo Farah oo 32-jir ah waxa uu mar kale xaqiijiyey inuu nadiif ka yahay Eedeymaha lagu sheegay inuu Daroogooyin […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Guddiga Ciyaaraha Fudud ee dalka Britain UK Athletics ( UKA)   ayaa lagusheegay inuu Orodyahankaasi aanu isticmaalin Daawooyinka loo adeegsado Firfircoonida Murqaha,oo horey loogu eedeeyey inuu isticmaalo marka uu ka qeyb galayo Tartamada.

Mo Farah oo 32-jir ah waxa uu mar kale xaqiijiyey inuu nadiif ka yahay Eedeymaha lagu sheegay inuu Daroogooyin isticmaalo marka uu ka qeyb galayo orodka.

- Advertisement -

Qoraalka ayaa lagu sheegay inaan wax caddaymo ah loo haynin Orodyahankaasi.

Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Britain (UKA) ayaa sheegtay inaysan daabici doonin Warbixinta oo dhamaystiran tan iyo inta  laga qabanayo Ciyaaraha Fudud ee Caalamka oo bishan August 22-da ilaa 30-da lagu qaban doono caasimadda dalka Shiinaha ee Pejing.

Orod-yahan Mo Farah ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo Tartankaasi, si uu u difaacdo Horyaalnimadiisa Orodka 5,000 mitir iyo 10,000 mitir.

- Advertisement -

Mo Farah waxa uu toddobaadkii hore ku guuleystay Tartanka Orodka  ee 3,000 mitir oo lagu qabtay  magaalladda London.

Dhinaca kale, Tababarajhaa Ciyaaryahankaasi oo lagu magacaabo Alberto Salazar ayaa waxaa bishii  June ee la soo dhaafay lagu soo oogay inuu isticmaalo Darooyinkaasi, kadib, markii lagu ogaaday baaritaano la sameeyo inuu Tababaruhu isticmaalo Daroogadda.

Tababarahaasi ayaa laga joojiyey shaqada,waxaanaOrdodyahanMo farah layliya Tababare kale.

© Radio Dalsan

Latest stories