HomeWararJaamacadda Garissa oo ay Alshabaab horey u weerareen oo dib loo...

Jaamacadda Garissa oo ay Alshabaab horey u weerareen oo dib loo furayo

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hormuudka Jaamacadda Garissa ee W/bari Kenya,  Prof. Ahmed Warfa ayaa sheegay in Jamaacadda dib loo furi doono bisha soo socoto ee September, isagoo xusay in la maalgelinayo Ciiddan xooggan oo ilaaliya Jaamacadda. Waxa uu sheegay in la damaanad qaadi doono ammaanka Ardayda iyo Shaqaalaha aamacadda, wuxuuna sheegay in gaadiid ilaalo ah la diyaariyey oo lagu […]

- Advertisement -

Hormuudka Jaamacadda Garissa ee W/bari Kenya,  Prof. Ahmed Warfa ayaa sheegay in Jamaacadda dib loo furi doono bisha soo socoto ee September, isagoo xusay in la maalgelinayo Ciiddan xooggan oo ilaaliya Jaamacadda.

Waxa uu sheegay in la damaanad qaadi doono ammaanka Ardayda iyo Shaqaalaha aamacadda, wuxuuna sheegay in gaadiid ilaalo ah la diyaariyey oo lagu sugayo ammaanka.

- Advertisement -

Munaasabad looga tashanayey Furitaanka Jaamacadda Garissa ayaa lagu qabtay gudaha Jaamacaddaasi oo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin iyo dadweyne badan.

Bishii April 2-dii ee sannadkan, Dagaalamayaal ka tirsan Xarakadda  Alshabaab ayaa waxay  weerar qorsheysan ku qaadeen Jamaacadda Garissa, waxaana weerarkaasi lagu dilay 148 qof oo 142 ka mid Arday ahaayeen.

Ardaydii dhigan jirtey Jaamacadda Garissa waxaa weerarkaasi kadib loo wareejiyey Jaamacadda Moi University ee ku taalla Degmadda Eldoret.

Latest stories