HomeWararCiiddanka Kenya oo Dagaalamayaasha Alshabaab ka baadigoobaya Kaymaha Boni Forest

Ciiddanka Kenya oo Dagaalamayaasha Alshabaab ka baadigoobaya Kaymaha Boni Forest

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, David Obonyo ayaa sheegay inay bilaabeen hawlgal ay ku baadi-goobayaan Dagaalamayaasha Alshabaab ee dhaawaan weerarka u geystay Ilaalo ka tirsan Ciiddanka oo marayey Deegaanka Basuba oo ku dhaw Degmadda Lamu.

Afhayeenka waxa uu sheegay inay jiraan dagaalyahanno Alshabaab oo iyagoo dhaawac ah u baxsaday Dhul-kaymaha ee Boni Forest oo la rumaysan yahay inay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Jeysh Ayman oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab.

Afhayeenka waxa uu ka codsaday dadka deegaanka inay Saraakiisha Ammaanka gacan ka siiyaan Hawlgalka lagu baadi-goobayo Alshabaab, isla markaana ay soo sheegeen haddii ay arkaan shaqsi kasta oo ay ku yaallaan dhaawacyo rasaaseed.

Dhinaca kale,  Xiriiriyaha Ammaanka ee Lamu, Chrispus Mutali ayaa sheegay inay suurtogal tahay in dagaalyahanno dhaawacmay laga heli doono Dhul-kaymeedka Boni Forest oo la rumeysan yahay inay ku xooggan yihiin Dagaalamayaasha Jeysh Ayman ee Alshabaab.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories