HomeWararSoomaalida sharci la’aanta ku joogta Maraykanka oo loo kordhiyey muddada ay ku...

Soomaalida sharci la’aanta ku joogta Maraykanka oo loo kordhiyey muddada ay ku helayaan Oggolaanshaha Deganaanshaha KMG iyo Shaqo

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Hay’adda Muwaadinimadda iyo Socdaalka ee Federalka Maraykanka ayaa sheegtay inay xilliga u kordhisay muddada loo qabtay inay isku soo diiwaan geliyaan Soomaalida sharcila’aanta ku joogta Maraykanka, si loo siiyo Badbaadada KMG  ee TPS. Hay’adda waxay xustay in muddadii hore Soomaalida looga codsaaday inay is-diiwaan geliyaan ku ekaanayso berrito oo Jimco ah, kuna beegan bishan July […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adda Muwaadinimadda iyo Socdaalka ee Federalka Maraykanka ayaa sheegtay inay xilliga u kordhisay muddada loo qabtay inay isku soo diiwaan geliyaan Soomaalida sharcila’aanta ku joogta Maraykanka, si loo siiyo Badbaadada KMG  ee TPS.

Hay’adda waxay xustay in muddadii hore Soomaalida looga codsaaday inay is-diiwaan geliyaan ku ekaanayso berrito oo Jimco ah, kuna beegan bishan July 31-da.

- Advertisement -

Hay’adda ayaa sheegtay inay 18 bilood oo kale ugu kordhiyeen Soomaalida sharci la’aanta ugu nool Maraykanka, waxayna muddadaasi ku ekaan doonta bisha Maarso  17-da ee sannadka 2017-ka.

Soomaalida loo oggolaado in la siiyo Badbaadada KMG  ee TPS inay awoodi karaan inay si Sharci ah ku joogaan Maraykanka iyo in la siiyo Ruqsada ay ku shaqeysan karaan.

Xilli-kordhinta Badbaadada KMG ee TPS ayaa timid, iyadoo ay Hay’addaha Ammaanka Qaranka Maraykanka ka walaacsaan yihiin Muhaajiriinta Soomaalida ee ku nool dalka Maraykanka.

- Advertisement -

Bishii April ee la soo dhaafay, 6 Somali ah oo ku nool Gobalka Minnesota ayaa lagu soo oogay inay doonayeen inay ku biiraan Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Dhinaca kale,  in ka badan 22 dhallinyarro Somali  ku noolayd Gobalka Minnesota ayaa isaga soo tegay Maraykanka, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshaabaab ee  dagaalka kula jira Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka Somalia.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts