HomeWararMaraykanka oo Kenya ugu deeqay dhaqaale ay ku xoojinayaan awooda ciiddankooda ee...

Maraykanka oo Kenya ugu deeqay dhaqaale ay ku xoojinayaan awooda ciiddankooda ee La-dagaalanka Alshabaab

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Dowladda Maraykanka waxay siiyeen Ciiddanka  Difaaca Kenya (KDF) lacag dhan 9.5 BILLION oo Kenya Shilling, si ay ugu adeegsadaan Hawlgalladda dagaal ee ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab.

Wasaaradda Difaaca ee Kenya ayaa sheegtay inay Dhaqaalahaasi u adeegsan doonaan sidii ay ugu soo iibsan lahaayeen DiyaaradoDagaal, qalab Milliteri, Tababarka Ciiddanka iyo in lagu taageero Milliteriga Kenya ee ku sugan gudaha Somalia iyo Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ku-dhawaad 5.9 BILLION oo Kenya Shilling loogu talagalay Hawlgalka AMISOM oo ay Milliteriga Kenya qeyb ka yihiin.

Wasaaradda Difaaca ee Kenya waxay kaloo sheegtay inay Kaalmadda dhaqaale ee ay Dowladda Maraykanka ka heleen ku soo iibsan doonaan Diyaaradaha Droneska ee lagu dagaalamo iyo kuwa loo adeegsado dhinaca Sirdoonkasi ay u gaaf-wareegaan xuduudka dhulka iyo badda ee ay Kenya la wadaagaan Somalia.

Dukumentiga Kaalmadda Lacageed ee Maraykanka u qoondeeyeen Ammaanka Kenya ayaa waxaa lagu dhawaaqay bishan 21-dii,  saddex maalmood ka hor safarkii uu Madaxweynaha Maraykanka ku tegay magaalladda Nairobi.

Dukumentiga waxaa kaloo lagu xusay in ay Milliteriga Kenya heli doonaan lacag dhan 9.5 BILLION oo Kenya Shillings, taasi oo ka baxsan 10 BILLION oo Kenya Shillings oo ay Maraykanka kaalmo ahaan u siiyeen Dowladda Kenya.

 © Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories