HomeWararMadaxweynaha: ‘’ Siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay inay iskaashi iyo xiriir...

Madaxweynaha: ‘’ Siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay inay iskaashi iyo xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska’’

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Kenya u fadhin doona Soomaaliya, Maj General (Rtd) Lucas Kyonze Tumbo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo abuurista jawi saaxiibtinimo, derisnimo wanaag iyo iskaashi dhan kasta leh oo dan u ah shacabka labada waddan.

‘’Siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay inay iskaashi iyo xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska.Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa Kenya qaxooti ahaan iyo ganacsiba u tegay, waxayna taasi muujineysaa sida labada shacab ay mar walba isugu baahan yihiin. Waana ka mahad celineynaa sida Kenya ay inoo garab taagan tahay mar kasta’’.

Danjiraha Kenya Mr Tumbo, ayaa isna sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo dowladdiisa ay Soomaaliya u arkaan saaxiib muhiim oo siyaasadda iyo amniga gobolka door weyn ka qaadan karta, sidaa darteedna ay diyaar u yihiin iskaashi iyo wax wada qabsi waxtar leh.

“Kenya waxay mar walba u taagan tahay inay Soomaaliya gacan siiso ha noqoto dhinacyada amniga, dib u dhiska hay’adaha dowliga, iskaashiga dhaqaale iyo wax walba oo dan u ah labada shacab’’, ayuu yiri Danjire Lucas Kyonze Tumbo.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka socdey labada dal.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

 DSC8292
 DSC8302
IB0A0007
IB0A0030
IB0A8390

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories