HomeWarar Hooyo Soomaaliyeed oo Xaamilo ah oo lagu dilay dalka Britain

 Hooyo Soomaaliyeed oo Xaamilo ah oo lagu dilay dalka Britain

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Boliska magaalladda Bristol ee dalka Britain ayaa xaqiijiyey in Haweeney Somali ah oo la oran jirey Amal Abdi lagu dilay hoygeeda oo ku yaalla magaalladda Bristol. Haweeneyda oo ahayd Xaamil ayaa la sheegay in habeenkii Axadda ee la soo dhaafay Tooreey lala dhacay ilaa ay ka geeriyootay. Dadka deriska la ah Marxuumadda ayaa ku soo […]

- Advertisement -

Boliska magaalladda Bristol ee dalka Britain ayaa xaqiijiyey in Haweeney Somali ah oo la oran jirey Amal Abdi lagu dilay hoygeeda oo ku yaalla magaalladda Bristol.

Haweeneyda oo ahayd Xaamil ayaa la sheegay in habeenkii Axadda ee la soo dhaafay Tooreey lala dhacay ilaa ay ka geeriyootay.

- Advertisement -

Dadka deriska la ah Marxuumadda ayaa ku soo baraarugay iyaadoo uu dhiig qulqulayo qolkii ay ka degganayd Dabaqa 7aad ee Dhismo ku yaalla Xaafadda Longlands House ee Barton Hill ee magaalladda Bristol.

Dukaanle ay ka adeegan jirtey Marxuumad Amal Abdi ayaa sheegay inay Marxuumadda dhawaan ninkeeda ka taageertay sidii uu uga soo ambabixi  lahaa Somalia, isagoo soo marayo Talyaaniga, si uu ugu wada noolaadaan dalka Britain.

Afhayeen u hadlay Boliska magaalladda Bristol ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin Somali oo 21-jir ah, kaasi oo lagu tuhunsan yahay dilka Marxuumadda.

- Advertisement -

Waxay kaloo Boliska rajeynayaan in ay dad kale u soo xiraan Dilkaasi.

Saraakiisha takhasuska u leh falalka dilalka  ayaa iyagana baaritaano ka wada qolkii lagu dilay Marxuumad Amal Abdi.

Sidoo kale, Saraakiil si Khaas ah loo tababaray ayaa  ka taageerayo qoyska Marxuumadda iyo dadka deriska si Warbixino kale looga helo xubnaha Bulshadda Deegaanka.

© Radio Dalsan

AMAL UK 1 AMAL UK 2 AMAL UK 3

Latest stories