HomeWararFaahfaahin: Ninkii Somali-Jarmalka ee dhawaan isku qarxiyey Hotelka Jaziira ee magaalladda Muqdisho

Faahfaahin: Ninkii Somali-Jarmalka ee dhawaan isku qarxiyey Hotelka Jaziira ee magaalladda Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Ninkii fuliyey Qaraxaasi lagu magacaabi jirey C/risaaq Muuse Buux, kaasi oo ka tirsanaa Xarakadda Alshabaab.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu ku dhashay caasimadda dalka Libya ee Tripoli, isla markaana uu muddo ku kala noolaa dalalka Masar, Jarmalka iyo magaalladda Borama ee Gobalka Awdal ee W/galbeed Somalia.

Xogaha hordhaca ayaa waxay sheegayaan inuu C/risaaq Muuse Buux oo haysta Dhalashadda dalka Jarmalka uu sannooyinkii ugu dambeeyey ku noolaa magaalladda Boon ee dalka Jarmalka.

Waxa uu dalka Somalia  ku soo laabtay horaantII sannadkii 2012-kii, isagoo ku biiray Dagaalamayaasha Alshabaab ee dagaalladda kula jira Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

Falkii Is-qarxinta ee uu geystay ninka haysta dhalashadda dalka Jarmalka, waxaa ku geeriyootay Tobaneeyo qof oo u badnaa dad rayid ahaa.

Wararka Xog-ogaalka ayaa waxay sheegayaan inay Sirdoonka Somalia iyo kuwa Caalamiga ku hawlan yihiin dhamaystirka baaritaanka la xiriira Qaraxaasi.

Warbaahinta dalka Jarmalka, ayaa xaqiijiyey inuu ninkaasi ku noolaan jirey magaalladda labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Boon.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories