HomeWararJarmalka oo ka hadlay ninkii geystay Is-qarxintii lala beegsaday Hoteel ku yaalla...

Jarmalka oo ka hadlay ninkii geystay Is-qarxintii lala beegsaday Hoteel ku yaalla Muqdisho

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Wakaalladda Wararka iyo Warbaahinadda kale ee dalka Jarmalka ayaa shaaciyey in ninkii geystay Qarixii dhawaan ka dhacay Hotelka Jaziira ee magaalladda Muqdisho ahaa Muwaadin Somali haysta dhalashadda Jarmalka.

Wakaalladda Wararka Jarmalka ee The German Press Agency ayaa sheegtay in Sarkaal Sare oo ka tirsan Hay’addaha Ammaanka Somalia u xaqiijiyey in Muwaadin Somali haysta dhalashadda Jarmalka uu ka dambeeyey Falkii Is-qarxinta ee ay Xarakadda Alshabaab sheegteen inay ka dambeeyeen.

Wakaalladda ayaa sheegtay in Sarkaalkaasi oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin u sheegay in ninkii geystay Qaraxaasi ahaa nin haysta Labada Dhalasho ee Somalia iyo German.

Wargeyska ugu caansan dalka Jarmalka  ee Spiegel ayaa isagana qoray in ninka geystay qaraxaasi uu ku noolaan jirey magaalladda Boon oo ka tirsan Gobalka North Rhine-Westphalia ee dalka Jarmalka, ka hor inta uusan ninkaasi u soo dhoofin Somalia.

Dhinaca kale, Weerarka Is-qarxinta ee ay Alshabaab dhawaan la beegsadeen Hotel Jeziira ayaa ahaa kii saddexaad oo ay ku weeraraan Hotelkaasi oo ku yaalla nawaaxiga Garoonka Caalamiga Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Ugu yaraan 17-qof ayaa ku geeriyootay qaraxaasi, oo ay ku jireen Labo Saxafi, Hal Ajnabi oo u dhashay dalka Shiinaha iyo dadka kale oo u badnaa rayid.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories