HomeWararHoggaamiyaha Alshabaab oo ugu baaqay Muslimiinta ku nool Bariga Afrika Kacdoon ka...

Hoggaamiyaha Alshabaab oo ugu baaqay Muslimiinta ku nool Bariga Afrika Kacdoon ka dhan ah Kirishtaanka

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Wargeyska Mail Online ayaa maanta qoray inuu Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Abu Cubaydah soo saaray War Saxaafadeed uu ugu baaqay Muslimiinta ku nool Ethiopia, Jabuuti, Uganda iyo Afrikadda Dhexe inay yimaadaan Xerooyinka Tababarka Alshabaab, si ay ugu biiraan Dagaalka Jihaadka.

Ahmed Omar Abu Cubaydah waxa uu ku booriyey Muslimiinta ku nool Qaaradda Afrika inay ku soo biiraan Jihaadistayaasha ku sugan goobaha dagaalka ee Caalamka oo dhan, isla markaana ay dalalkooda ka xoreeyaan Kufaarta, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu sheegay inay Alshabaab diyaar u yihiin inay tababar iyo hub siiyaan Muslimiinta ku dulman Bariga Afrika, waa sida uu hadalka u dhigay.

Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Abu Cubaydah waxa uu ku eedeeyey Dowladaha Reer Galbeedka inay tacadiyo, basaas, duqeyn iyo caburin ku hayaan Dhallinyarradda Muslimiinta ah, isla markaana ay doonayaan inay kala qeybiyaan Muslimiinta, waa sida laga soo xigtay Hoggaamiyahaasi.

Dhinaca kale, bilowgii bishan Wargeyska MailOnline waxa uu qoray in Hoggaamiyaha Alshabaab, Ahmed Omar Abu Cubaydah ka mid yahay Taliyayaal Sare oo ka tirsan Alshabaab oo u codeeyey inay Isbahaysi la yeeshaan Kooxda Daacish (IS), si ay uga taageeraan dhismaha Dowladda Islaamiga ee Bariga Afrika.

Muuqaal Video ah oo ay Hoggaamiyayaasha Daacish soo saareen bishii Maarso ee sannadkan, waxay Hoggaanka Alshabaab ku booriyeen inay ku soo biiraan Daacish, kana baxaan Isbahaysiga ay la lahaayeen Ururka Alqaacida.

Baaqaasi ayaa looga codsaday Alshabaab inay dagaal Jihaad ah ku qaadaan dalalka Kenya, Ethiopia iyo Tanzania.

Wargeyska MailOnline ayaa qoray in Shir qarsoodi ah oo ay Madaxda Alshabaab ku yeesheen Gobalka Jubbadda Dhexe bilowgii bishan ay kaga hadleen inay ka baxaan Isbahaysiga Alqaacida, kuna biiraan Daacish.

Taliye Sare oo ka tirsan Alshabaab ayaa u sheegay Wargeyskaasi inay weli socdaan dadaalka, iyadoo go’aanka Kama Dambaysta lagu dhawaaqi doono maalmaha ama bilaha soo socda.

Wuxuuna intaasi ku daray inay  Hoggaamiyayaasha Alshabaab iminka wada saaran yihiin Hal Dooni.

Xarakadda Alshabaab oo la asaasay sannadkii 2006-dii ayaa waxaa la rumeysan yahay inay leeyihiin in ka badan 9,000 oo dagaalyahan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 50 u dhalatay dalka Britain.

© Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories