Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Islaamka Iiraan ayaa si kulul u cambaaraysay weerarkii ka dhacay maagalladda Muqdisho.
Haweeneyda Afhayeenka ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iiraan, Marziyeeh Afkhaam ayaa maanta sheegtay inay Dowladda Iiraan ka xun yihiin Qaraxaasi, isla markaana Tacsi u dirayaan Dowladda Somalia iyo qoysaskii ay dadka kaga geeriyoodeen qaraxii Hotel Jaziira.
Waxay sheegtay in loo baahan yahay awood Caalmi si wax looga qabto Khatarta Xag-jirnimadda iyo dilalka loo geysto dadka aan waxba galabsanin.