HomeWararRa’iisul Wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel Jazeera

Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyay weerarkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel Jazeera

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka argagaxiso ee shaay galab lagu  qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa mid la rabay in lagu wiiqo horumarka iyo dib usoo kabashada dala iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa mid ka baxsan dhammaan dhaqanka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka argagaxiso ee shaay galab lagu  qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa mid la rabay in lagu wiiqo horumarka iyo dib usoo kabashada dala iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa mid ka baxsan dhammaan dhaqanka diinta Islaamka iyo damiirka bani aadantinimada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada noocan ah ee lagu bartilmaameed-sanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan uu marqaati u yahay fekerka khaldan ee argagixisada, waxuna shacabka ugu baaqay in ay u midoobaan sidii loo dhammeystiri lahaa haraadiga cadowga diidan jiritaankooda.

- Advertisement -

“Falkii Argagixiso ee galabta lagu qaaday Hotel Jazeera wuxuu mar kale cadeeyey sida ay kooxdan waqtigeedu sii dhamaanayo uga go’an tahay daadinta dhiigga dadkeena qiimaha badan, laguna hakinayo nabadda iyo horumarka aan maanta haysano, waxaan u sheegayaa argagixisada weerarada noocan ah in marnaba aysan qaranka Soomaaliyeed ka leexin doonin waddada horumarka iyo dawladnimada”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa xusay in Ciidamadda Soomaaliyeed iyo walaalahooda AMISOM ay gobollada dalka ka wadaan howlgallo ballaaran oo xididada loogu siibayo haraadigooda, guulna laga gaaray, dhawaana laga sifayn doono deegaanada kooban ee ay dhuumaalaysiga ku joogaan, dadka shacabka ahna laga doonayo in ay gacan siiyaan ciidamadda amniga si looga guuleysto cadowga ummada Soomaaliyeed ee baneystay daadinta dhiiga dadkeena.

Ugu danbeyn, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi u diray qaysaskii iyo saaxiibbaddii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkan maanta ka dhacay Hotelka Jazeera.

- Advertisement -

—-DHAMMAAD—-
Ahmed-nur Mohamed
Media OPM
Mugadishu-Somalia
E-mail: axmednuur59@gmail.com
Twitter: @SomaliPm, @Axmednuur

Latest stories