HomeWararAMISOM oo ka warbixisay Hawlgalka loogu magac daray Isku-furista Goballadda Jubbooyinka

AMISOM oo ka warbixisay Hawlgalka loogu magac daray Isku-furista Goballadda Jubbooyinka

Date:

Related stories

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Cabinet officials brace to relinquish Kenyan passports after presidential ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Israel oo heshiis UN la gashay si loo raro 16,250 oo muhaajiriin ah

Israel oo heshiis UNHCR la gashay si 16,250 muhaajiriin ah loo raro dalalka Galbeedka. Qorshihii soo celinta Afrika waa la baabi'iyay, waxaana la oggolaaday in dadka hadhay ay sii joogaan 5 sano.

Taliska Ciiddanka AMISOM ayaa sheegay inay weli socdaan Hawlgalka Dagaalamayaasha Alshabaab looga saaro Deegaannadda ay kaga sugan yihiin Goballadda Ged, Bay iyo Bakool. War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyey inay Ciiddanka ka kala socda dalalka Ethiopia, Kenya  oo taageero ka helayo Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia ay si wadajir ah gacanta ugu dhigeen Deegaanno badan oo ka tirsan […]

- Advertisement -

Taliska Ciiddanka AMISOM ayaa sheegay inay weli socdaan Hawlgalka Dagaalamayaasha Alshabaab looga saaro Deegaannadda ay kaga sugan yihiin Goballadda Ged, Bay iyo Bakool.

War-saxaafadeedka ayaa lagu muujiyey inay Ciiddanka ka kala socda dalalka Ethiopia, Kenya  oo taageero ka helayo Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia ay si wadajir ah gacanta ugu dhigeen Deegaanno badan oo ka tirsan Goballadaasi, oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor iyo yo Tuullooyinka Taraaka, Jungal, Duraneed, Ceel-cilaan, Ufurow, Eesow, Xasanow Muumim, Iidaale, Dhargo iyo Manaas.

- Advertisement -

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in qabsashadda Baardheere iyo Diinsoor tahay guul ballaaran, iyadoo Dagaalamayaasha Alshabaab haysteen Degmooyinkaasi toddobadii sanno ee la soo dhaafay.

Taliska AMISOM waxay sheegeen inay Hawlgalladda dagaal ee ay la galeen Shabaab ku dileen 72 dagaalyahan, kuna dhaawaceen 24-kale, halka ay 9 kalena gacanta ku dhigeen, waa sida lagu xusay War-Saxaafadeedka AMISOM.

Dhinaca kale, Taliska AMISOM waxay ka codsadeen Mujtamaca iyo Hoggaamiyayaasha Diinta inay si dhow ula shaqeeyaan Ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM, isla markaana ay soo gudbiyaan wararka muhiimka ee Alshabaab, si looga hortago weeraradooda, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

© Radio Dalsan

Latest stories