HomeWararRa’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid Cali Saalax...

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa Shaqaalaha XRW

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay dilkii arxan darada ahaa ee maanta loo geystay Marxuum Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo shalay ay  dableey hubeysan  ku dileen degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, wuxuna alle uga baryey marxuumka in uu jannadiisa fardowso ka […]

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyay dilkii arxan darada ahaa ee maanta loo geystay Marxuum Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaas oo shalay ay  dableey hubeysan  ku dileen degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho, wuxuna alle uga baryey marxuumka in uu jannadiisa fardowso ka waraabiyo ehelkii, asxaabtii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun, anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda Soomaaliya, waxaan alle uga baryeynaa Saciid Cali Saalax oo kamid ahaa shaqaalaha Xafiiska oo saakay la dilay in uu Eebe naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Marxuum Siciid wuxuu ahaa wadani jecel nabada iyo horumarka dalka, mudana kasoo shaqaynayay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, Marxuumka iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri RW Cumar.

- Advertisement -

Sidoo kale, Maamulka iyo shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray ehelkii iyo asxaabtii uu ka tagay marxuum Saciid Cali Saalax.

—DHAMMAAD—
Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Latest stories