HomeWararMadaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu)

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu)

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu) oo kooxo hubeysan ay shalay galab ku dileen magaalada Muqdisho. ‘’Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu) oo kooxo hubeysan ay shalay galab ku dileen magaalada Muqdisho.

‘’Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya. Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud ayaa waxaa uu baarlamanka ku soo biirey dhowaan, isagoo beddelay aabihii oo horaantii sannadkan geeriyooday.

-DHAMMAAD-

- Advertisement -

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Latest stories