HomeWararBritain oo xaqiijisay xoojinta xiriirka Somalia iyo Somaliland

Britain oo xaqiijisay xoojinta xiriirka Somalia iyo Somaliland

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Horumarinta Caalamiga iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain ayaa lagu sheegay inay sii wadayaan taageeradda ay siiyaan dadka Soomaaliyeed. Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii uu Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes uu dhamaystay booqasho hawleed oo uu ku tegay magaallooyinka Muqdisho iyo Hargeysa. Qoraalka ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Xafiiska Horumarinta Caalamiga iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain ayaa lagu sheegay inay sii wadayaan taageeradda ay siiyaan dadka Soomaaliyeed.

Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii uu Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes uu dhamaystay booqasho hawleed oo uu ku tegay magaallooyinka Muqdisho iyo Hargeysa.

- Advertisement -

Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu Grant Shappes la kulmau Hoggaamiyayaasha Siyaasadda ee Somalia iyo Somaliland, si loo xoojiyo xiriirka ay la leeyihiin Dowladda Britain.

Mas’uulkaasi waxa uu la kulmay Madaxweynaha Somalia, Hassan Sheikh Mohamoud, Ra’isul-wasaare Sharmaarke iyo xubno ka tirsan Dowladda Somalia, wuxuuna ku booriyey muhiimadda ay leedahay in ay si deggan u dhacdo Doorashadda lagu madalsan yahay sannadka soo socda ee 2016-ka.

Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes waxa kaloo uu kulankiisa diiradda ku saaray doorka adag ee Dowladda Somalia ee Horumarinta Ciiddanka Ammaanka ee Qaranka, wuxuuna soo dhaweeyey dhismaha Maamul-gobaledyadda .

- Advertisement -

Mas’uulkaasi waxa kalo ouu ku baaqay in la sii wado Dib-u-heshiisinta si loo xaqiijiyo in Wakiilladda si xaq ah looga soo dhex doorto dhamaan dadka Soomaaliyeed.

Xoghayaha Iskaashiga Calaamiga, ahna Sii-hayaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain, Grant Shappes waxa uu tilmaamay inay Somalia ka mid tahay xuddunta Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Dowladda Britain, si taageero looga geysto Xaalladda adage e Samafalka, baahida Horumarinta, Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

Dhinaca kale, Mas’uulkaasi waxa uu booqday magaalladda Hargeysa, oo uu kula kulmay Madaxweyne Silaanyo iyo xubno ka tirsan Maamulka Somaliland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts