HomeWararObama oo isticmaalayo gaari aysan xabbaduhu ka dusin si uu uga baadbaado...

Obama oo isticmaalayo gaari aysan xabbaduhu ka dusin si uu uga baadbaado weeraradda Alshabaab ee la filan karo

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Gaari qiimihiisu dhanyahay 1.5 million oo Dollar ayaa la sheegay in Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama lagu kaaxayn doono muddadauu boqanayo dalka Kenya.

Madaxweyna Obama oo fiidnimaddii xalay booqasho labo maalmood ku tegay caaimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa ka qeyb geli doono Shir-sannadeedka Ganacsiga Xorta ee Caalamka.

Richard Tutah oo Khabiir dhinaca Ammaanka iyo Argagixisadda oo ku sugan Nairobi ayaa ka digay inay Dagaalamayaasha Alshabaab geysan doonaan weeraro muddada uu Madaxweyne Obama ku sugan yahay Nairobi.

Isagoo la hadlayey Wakaalladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Maraykanka oo qiimo sare leh haddii ay Alshabaab weeraraan ama ay isku daayaan weerarkaasi inay taasi kor u qaadayso Mustawaha Alshabaab ee Caalamka, waa sida uu hadalka u yiri Khabiirkaasi.

Dagaalamayaasha Alshabaab, gaar ahaan Jeysh Ayman ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo hawlgallo la beegsada Ciiddanka Kenya ee ku sugan Gobalka W/bari Kenya.

Dhinaca kale, ammaaankaa Madaxweyne Obama ayaa waxaa ka qeyb galayo 10,000 oo Saraakiisha Boliska Kenya, waxaana la xiray inta badan Waddooyinka ku yaalla faras-magaallaha Nairobi.

Dowladda Kenya waxay bilicda Nairobi ee booqashadda Obama ku bixinaysaa lacag dhan 500,000 oo Dollar, waxayna kiresyatay in ka badan 500 dhallinyarro oo nadiifa waddooyinka iyo kuwo waraabiya dhirta ku taalla dhinacyadda Waddooyinka.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories