HomeWararDowladaha Uganda iyo Zambia oo ka wada hadlay Nabadda Somalia

Dowladaha Uganda iyo Zambia oo ka wada hadlay Nabadda Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Zambia ayaa Kulan Khaas ah ku yeeshay Aqalka Dowladda Uganda ee ku yaalla duleedka Kampala.

Madaxweyne Yuweri Museveni iyo dhigiisa dalka Zambia, Edgar Lungu waxay si gaar ah uga wada hadleen xiriirka labadooda dal, Xaalladaha ka jira  Qaaradda Afrika iyo Hawlgalka Nabad-soo-celinta ee dalalka Somalia, South Sudan, Burundi iyo Afrikadda Dhexe.

War Saxaafadeed ka soo baxay Kulanka Labada Madaxweyne kadib ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha Zambia, Edgar Lungu dhamaystay booqasho saddex maalmood oo ku joogay Uganda, isla markaana uu ammaanay doorka muhiimka ee ay Milliteriga Uganda kaga jiraan Hawlgalka AMISOM ee soo-celinta Nabaddaiyo Deganaanshaha dalka Somalia.

Kumanaan ka tirsan Ciiddanka Uganda ee UPDF ayaa qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, waana tiraada ugu badan dalalka qeybta ka ah Hawlgalkaasi

Dhinaca kale, Madaxweynaha Uganda, Yoweeri Museveni waxa uu ka mahadceliyey taageeradii ay Zambia ka geysteen Xornimo-doonkii Uganda ee Xilligii Gumeysiga ee sannadihii 60-aadkii.

© Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories