HomeWararKumanaan Qaxooti cusub oo Somali oo iska diiwaan-geliyey Xerooyinka Qaxootiga ee W/bari...

Kumanaan Qaxooti cusub oo Somali oo iska diiwaan-geliyey Xerooyinka Qaxootiga ee W/bari Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

3,719 Qaxooti iyo Magangelyo-doon cusub oo Somali ayaa la sheegay inay labadii isbuuc ee la soo dhaafay iska diiwaan geliyey Xeradda Qaxootiga ee Dadhaab ee W/bari Kenya. Hadal ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in Waaxda Dowladda Kenya ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee (DRA) fureen Is-diiwaan-gelinta cusub […]

- Advertisement -

3,719 Qaxooti iyo Magangelyo-doon cusub oo Somali ayaa la sheegay inay labadii isbuuc ee la soo dhaafay iska diiwaan geliyey Xeradda Qaxootiga ee Dadhaab ee W/bari Kenya.

Hadal ka soo baxay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay in Waaxda Dowladda Kenya ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee (DRA) fureen Is-diiwaan-gelinta cusub ee Qaxootiga cusub ee Soomaalida ee  aan horey loo diiwaan gelinin, waxayna Diiwaangelintu ka dhacday Xeradda Kambiyoos.

- Advertisement -

Hay’adda UNHCR waxay sheegtay inay diiwaan geliyeen 2,184 qaxooti iyo 1,535 Magangelyo-doon Somali ah guud ahaan Shanta xero ee ay ka kooban tahay Xeradda weyn ee Dhadhaab.

Dhinaca kale, boqolaal Qaxootiga Soomaalida ee iskooda u go’aansaday inay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo ayey Hay’adda UNHCR u fududeysay kharajka jidmarkooda ilaa gudaha Somalia.

15-kii maalmood ee ugu horreysay bishan July waxay UNHCR sheegtay inay 252 Qaxooti ay ka ambabaxeen Xeradda Dhadhaab, kuwaasi oo si nabad ah ku gaaray gudaha Somalia.

- Advertisement -

Tan iyo bishii December 8-dii ee sannadkii hore, ku-dhawaad 2,840 Qaxooti Soomaali ah ayaa dib ugu soo laabtay dalka hooyo.

Qaxootiga Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 423, 244 qof ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo daryeel ka hela Hay’adda UNHCR iyo Hay’addo kale oo Caalami ah.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay qorsheynaysaa inay 100,000 qaxooti Soomaali ah dib ugu soo celiyaan dalka Somalia dabayaaqadda sannadkan.

Latest stories