HomeWararDiyaaradaha Dagaalka ee Ururka Midowga Afrika oo duqeeyey Xerooyin ay Alshabaab leeyihiin

Diyaaradaha Dagaalka ee Ururka Midowga Afrika oo duqeeyey Xerooyin ay Alshabaab leeyihiin

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA ayaa ka soo xigatay Saraakiisha Ururka Midowga Afrika inay duqqyeen Xerooyin ay Alshabaab ku leeyihiin meel ku dhow Degmadda Diinsoor ee Gobalka Bay.

Duqa Degaanka Goof-gaduud iyo dadka deegaanka ayaa ka xaqiijiyey inay Diyaaradahaasi duqeeyeen saddex tuullo oo ay Alshabaab joogeen, si ay Ciiddanka Isbahaysiga ugu suurto-gasho inay qabsadaan Degmadda Diinsoor.

Tallaabadda duqeynta cirka ayaa timid, maalmo kadib, markii ay Dowladda Uganda sheegtay inay Diyaarado dagaal ku soo xoojin doonaan Hawlgalka AMISOM kula jiraan Dagaalamyaasha Alshabaab.

Taliye-xigeenka AMISOM ugu qaabilsan Hawlgalladda iyo Qorsheynta, Jeneral Maxamedesha Zeyinu ayaa sheegay inay bilaabeen Hawlgal lagu doonayo in Dagaalamayaasha Alshabaab looga saaro Jubbooyinka, Bay iyo Gedo.

Dhinaca kale, Qoraal ay Taliska AMISOM E-mail ahaan ugu direen Wakaalladda Wararka ayey ku sheegeen inay Hoggaamiye ka tirsan Alshabaab  iyo Afar dagaalyahan ku dileen Xero Tababar oo ay Alshabaab ku lahaayeen Tuulladda Juujoomo oo ku dhow Tuulladda Ceel-hindi ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Hoggaamiyaha Alshabaab ee ay AMISOM sheegteen inay dileen waxay magaciisa ku sheegeen Mophamed Daahir.

Sidoo kale, Taliska AMISOM waxay beeniyeen inay Ciiddankooda ku sugan magaalladda Marka ay dileen dad rayid ahaa.

Shalay ayey ahayd, markii ay Goobjoogayaal u xaqiijiyeen Radio Dalsan iyo Warbaahinadda kale inay Askarta AMISOM 15 qof o orayid ahaa ku dileen magaallo-madaxda Gobalka Sh/hoose ee Marka.

Maamulka K/galbeed Somalia ayaa isagana ugu baaqeen Taliska AMISOM inay faahfaahin ka keenaan sababaha loo dilay rayidkaasi aan hubeysnayn.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories