HomeWararDifaacayaasha Xuquuqda Adaanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka hadlay...

Difaacayaasha Xuquuqda Adaanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka hadlay xukunadda lagu qaadayo Madaxda Afrikaanka

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Difaacayaasha  Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, (East and Horn of Africa Human Rights Defenders) Dr. Hassan Shire Sheikh ayaa soo dhaweeyey Tallaabadda Maxkamadda lagu saarayo Madaxweynihii hore ee dalka Chad, Hussien Habre oo haatan ka socota caasimadda dalka Senigal ee Dakar. Dr. Hassan Shire oo la hadlayey Laanta Afka Soomaaliga ee […]

- Advertisement -

Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Difaacayaasha  Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, (East and Horn of Africa Human Rights Defenders) Dr. Hassan Shire Sheikh ayaa soo dhaweeyey Tallaabadda Maxkamadda lagu saarayo Madaxweynihii hore ee dalka Chad, Hussien Habre oo haatan ka socota caasimadda dalka Senigal ee Dakar.

Dr. Hassan Shire oo la hadlayey Laanta Afka Soomaaliga ee Idacadda BBC-da London ayaa tilmaamay in ay tallaabo wanaagsan tahay in Hoggaamiyayaasha Afrikaanka ee dembiyadda gala in lagu maxkmaadeeyo gudaha Qaaradda, halkii loola tiigsan lahaa Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda ee magaalladda The Hague ee dalka Holland.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey sida ay ku suurto-gashay Maxkamadaynta Madaxweynihii hore ee dalka Chad, Hussien Habre  waxa uu xusay inay Hay’addaha u dooda Xuquuqda Adaanaha dadaal xooggan u galeen sidii ay Garsoorayaal Afrikaan ah u maxkamadayn lahaayeen Hoggaamiyahaasi oo lagu eedeynayo dilkii 40,000 oo qof.

Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Difaacayaasha  Xuquuqda Adaanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxay si xooggan ugu ololeeyaan Dhowrista Xuquuqda Aadanaha ee dalalka Somalia, Kenya, Uganda, Djibouti, iyo in lala xisaabtamo Dembiilayaasha had iyo jeer geysta  tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Agaasimaha Fulinta ee Guddiga Difaacayaasha  Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, (East and Horn of Africa Human Rights Defenders) Dr. Hassan Shire Sheikh  waxa uu horey  booqashooyin Xaqiiqo-raadin ah ku yimid dalka Somalia, isagoo u kuur galay heerka Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, gaar ahaan Tacadiyadda loo geysto Suxufiyiinta iyo dadka Birri-ma-geydada ah.

- Advertisement -

Halkan ka dhageyso Codka:-

© Radio Dalsan

Latest stories