HomeWararBoqolaal Qaxooti Somali ah oo iska dhiibay dalka Switzerland

Boqolaal Qaxooti Somali ah oo iska dhiibay dalka Switzerland

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Qulqulka Tahriibayaasha sida khatarta ah kaga soo gudbayo Badda Mediterranean Sea soona gaarayo Xeebaha dalka Talyaaniga ayaa waxay tiro ka mid ah u sii gudbaan dalalka kale ee Galbeedka Europe, gaar ahaan dalalka Sweden, Switzerland, Norway iyo Finland.

Hay’adda Federalka daka Switzerland ugu qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay inay kordheen Tahriibayaasha Magangelyo-doonka ee soo gaarayo dalkaasi.

Tiro-koob ka soo baxay Hay’addaasi ayaa lagu sheegay inay 47% kordheen Muhaajiriinta  magangelyo-doonka ah, kuwaasi oo dalkaasi iska dhiibay 6-dii bilood ee la soo dhaafay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in bilihii April iylaa June ee sannadkan inay Switzerland iska diiwaan-geliyeen 7,384 codsiyo magangelyo-doon ah.

Tahriibayaasha Eritreanka ayaa la sheegay inay yihiin Qaxootiga ugu badan ee dalka Switzerland magangelyo weydiisanayo, waxaana magangelyo codsaday 3,238 Qaxooti Eritrean ah.

Kaalinta Labaad waxaa ku jirta Tahriibayaasha Soomaalida ee safar-baddeedka ku soo gaaray Xeebaha Koonfurta dalka Talyaaniga, ka hor intaysan u gudbin dalka Switzerland.

Hay’adda Federalka daka Switzerland ugu qaabilsan Qaxootiga ayaa  sheegtay inay Muwaadiniinta Soomaalida kaalinta Labaad ku jiraan, iyadoo ay 455 qaxooti Somali ka codsadeen Dowladda dalkaasi in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo.

© Radio Dalsan

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories