HomeWararMadaxweynaha: “Taageerada Boqortooyada UK waxay muhiim u tahay dib u soo kabashada...

Madaxweynaha: “Taageerada Boqortooyada UK waxay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya’’

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK (United Kingdom) wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Ms Harriet Mathews.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii ka mahadceliyay taageerada mar walba ay Britain la garab taagan tahay Soomaaliya, oo uu sheegay inay muhiim u tahay dib u soo kabashada Soomaaliya.

“Aad baan uga mahadcelineynaa Boqortooyada UK iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron oo dadaal dheer u galey inuu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo xaaladda Soomaaliya. Dhab ahaantii waqtigaasi kadib Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku tallaabsatey’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Danjiraha cusub ee Britain uga waramey xaaladda guud ee dalka, dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha, isagoo intaa ku darey in Soomaaliya ay weli u baahan tahay kaalmada beesha caalamka si loo dhameystiro hawsha ballaaran ee dib u dhiska Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee Britain ee Soomaaliya Ms Harriet Mathews, oo iyana kulanka ka hadashey ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ku ammaantey horumarka muuqda ee laga sameeyay barnaamijka dhaqangelinta nidaamka federaalka, iyo dardargelinta hawlaha la xiriira Hiigsiga 2016.

Waxay Ms Mathews intaa ku dartey in Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay in la sii wado taageerada loo fidinayo Soomaaliya, isla markaana ay Britain waddanka kala shaqeyn doonto dhinacyada gargaarka aadminimo, amniga, siyaasadda, horumarinta iyo dhaqaalaha.

Ms Mathews ayaa sidoo kale sheegtay in bilaha soo socda ay magaalada New York ku kulmi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron, kulankaas oo ay kaga wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga labada dal.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

 R9A0447
 R9A0453
 R9A0471

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories