HomeWararBarlamaanka Kenya oo ku baaqay in Ciiddanka KDF loo daad-gureey xuduud-baddeedka lagu...

Barlamaanka Kenya oo ku baaqay in Ciiddanka KDF loo daad-gureey xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee dalka Kenya, Ndung’u Gethenji ayaa ku taliyey inay Xukuumadda Kenya u daabusho Ciiddan ka tirsan Milliteriga Kenya xuduud-baddeedka Badweynta Hindiya ee ay Somalia ku murunsan yihiin.

Waxa uu ku eedeeyey  Somalia oo uu ku tilmaamay inay hoy u tahay  Alshabaab inay qorsheynayaan inay la wareen xuduud-baddeedkaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee dalka Kenya waxa uu sheegay in falka ay Somalia xilligan ku sheeganayso xuduud-baddeedkaasi lagu soo beegay xilli ay Dagaalamayaasha Alshabaab ballaariyeen weeraradda ay ka geystaan gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Xeebta waa xeebta Kenya, waana in Milliteriga  Difaaca Kenya loo daad-gureeyaa halkaasi si loo hubiyo ammaanka marin-baddeedkeenna” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee dalka Kenya.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Somalia bishan  July 13-dii dacwad ka dhan ah Dowladda Kenya u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee ICJ oo uu fadhigeeda dhexe ku yaalla magaalladda The Hague ee dalka Netherlands.

Sarkaalka Maxkamadda ICJ ugu qaabilsan Arrimaha Warfaafinta ayaa sheegay inay Dowladda Somalia  dacwad ka soo gudbisay Muranka xuduud-baddeedka kala dheexeeyo Dowladda Kenya.

Sarkaalka waxa uu Dowladda Kenya ku wargeliyey inay Sheegashadooda xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay u soo gudbiyaan Maxkamadda ICJ ugu dambeyn bisha Maarso ee sannadka soo socda, si loo guda-galo dhegeysiga Dacwaddaasi.

Si kastaba ha ahaatee, muranka Lahaanshaha xuduud-baddeedka saddex-geesoodka oo dhererkiisu dhan yahay in ka badan 100,000 oo KM oo isku wareeg ah, ayaa la sheegay inay ka buuxaan Shidaal iyo Gaaska Dabiiciga.

 

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories