HomeWararMuwaadin Somali Maraykan ku biiri lahaa Kooxda Daacish oo la amray in...

Muwaadin Somali Maraykan ku biiri lahaa Kooxda Daacish oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka Maraykaanka ayaa amray in Xabiga lagu sii hayo Mohamed Abdihamid Farah, kaasi oo la sheegay inuu dhowr jeer isku hawlay inuu u dhoofo dalka Syria si uu ugu biiro Daacish. Eedeysanaha o 21-jir ah ayaa la amray in lagu sii hayo Xabsiga, iyadoo uu la sheegay in uu u hanjabay […]

- Advertisement -

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka Maraykaanka ayaa amray in Xabiga lagu sii hayo Mohamed Abdihamid Farah, kaasi oo la sheegay inuu dhowr jeer isku hawlay inuu u dhoofo dalka Syria si uu ugu biiro Daacish.

Eedeysanaha o 21-jir ah ayaa la amray in lagu sii hayo Xabsiga, iyadoo uu la sheegay in uu u hanjabay Saraakiil ka tirsan Hay’adda Dembi-baarista Maraykaanka ee FBI-da.

- Advertisement -

Dembi-baarayaasha ayaa la sheegay inuu Eedeysanuhu ka mid ahaa afar dhallinyaarro Somali bishii November qorsheysatay inay u dhoofaan dalka Syria, si ay ugu biiraan Daacish.

Dhinaca kale, Eedeysanaha hooyadiisa, Ayan Mohamed Farah ayaa sheegtay inaysan ogeyn inuu Curudkooda doonayo inuu xubin ka noqdo Kooxda Daacish ama Ururo kale oo qalalaaso wada.

Tan iyo sannadkii 2007-dii, in ka badan 22 Dhallinyarro Somali Maraykan ayaa ka soo ambabaxay Gobalka Minnesota, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshabaab ee ka soo horjeeda Ciiddanka Dowladda Federalka Somalia iyo kuwa Hawlgalka AMISOM.

- Advertisement -

 

 

 

 

 

Latest stories