HomeWararWARBIXIN: Lixdameeyo Suxufi oo lagu dilay Caalamka sannadkan

WARBIXIN: Lixdameeyo Suxufi oo lagu dilay Caalamka sannadkan

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2015 waxaa caalamka lagu dilay 60 Suxufi. Machadka Calaamiga ee Badbaadinta Wararka “International News Safety Institute (INSI)” oo ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo Caasimadda dalka Britain ee London ayaa sheegay in Muraasiliinta ama War-dirayaasha Suxufiyiinta si fudud loogu dilo shaqaooyinkooda. Warbixinta Machadka INSI waxa uu sheegay in tiradda Suxufiyiinta la […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2015 waxaa caalamka lagu dilay 60 Suxufi.

Machadka Calaamiga ee Badbaadinta Wararka “International News Safety Institute (INSI)” oo ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo Caasimadda dalka Britain ee London ayaa sheegay in Muraasiliinta ama War-dirayaasha Suxufiyiinta si fudud loogu dilo shaqaooyinkooda.

- Advertisement -

Warbixinta Machadka INSI waxa uu sheegay in tiradda Suxufiyiinta la dilay lixdii bilood ee sannadkan gaarayaan 65 Suxufi.

8 KA MID AH Suxufiyiinta ayaa waxaa bilowgii sannadkan lagu dilay weerar lagu qaaday Xafiiska Majaladda Charlie Hebdo ee magaalladda Paris, kadib, markii ay Majaladaasi daabacday sawir-gacmeedyo ay ka caroodeen Muslimiinta.

Guddoomiyaha Machadka INSI, Richard Sambrook ayaa sheegay inuu sannadkan u muuqdo sannadkii ugu xumaa Suxufiyiinta.

- Advertisement -

“Suxufiyiinta maxaliga waxay khatar ugu jiraan cabsida ugu badan oo uga timaada baaritaanadda Dembiyadda iyo Musuqa.

Waddamada South Sudan iyo Yemen ayaa ah waddamadda dhiigga ugu badan ee Suxufiyiinta lagu daadiyey sannadkan, iyadoo lix weriye isku goob lagu dilay.

Dalalka Iraq iyo Libya ayaa ku soo xiga, iyadoo dal kasta lagu dilay shan Suxufi.

Waddanka Syria oo heerka koowaad kaga jiray dilalka Suxufiyiinta ee saddexdii sanno ee la soo dhaafay ayaa waxa uu haatan u muuqdaa inay hoos u dhaceen tiradda Suxufiyiinta la dilo.

Sannadkan dalkaasi waxaa lagu dilay labo Suxufi, iyadoo sannadkii horena la dilay 11-Suxufi.

Warbixinta Machadka INSI ayaa lagu sheegay kala bar Suxufiyiinta la dilay xilli nabadeed, iyadoo kooxihii dilalka geystay ku raaxeysanayaan falalkaasi.

Machadka waxa uu xaqiijiyey in shan kiis la caddeeyey kuwa lagu tuhunsan yahay ama la xiray.

SUXUFIYIIN 01 SUXUFIYIIN 03 SUXUFIYIIN 04 SUXUFIYIIN 05 SUXUFIYIIN 08 SUXUFIYIIN 09 SUXUFIYIIN 10 SUXUFIYIIN 11 SUXUFIYIIN 12

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts