HomeWararMidowga Afrika oo soo dhaweeyey Helikoptarda ay Uganda ku xoojinayso AMISOM

Midowga Afrika oo soo dhaweeyey Helikoptarda ay Uganda ku xoojinayso AMISOM

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ismail Chergui ayaa xaqiijiyey inay Dowladda Uganad wada xaajood kala galeen sidii Hawlgalka AMISOM loogu taageeri lahaa Diyaaradaha Helikoptaradda. Hadalkaasi ayaa waxa uu ka sheegay Shir Jaraa’id, kadib, markii ay Taliyayaasha Hay’addaha Sirdoonka iyo Ammaanka ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ku yeesheen caasimadda dalka Uganda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ismail Chergui ayaa xaqiijiyey inay Dowladda Uganad wada xaajood kala galeen sidii Hawlgalka AMISOM loogu taageeri lahaa Diyaaradaha Helikoptaradda.

Hadalkaasi ayaa waxa uu ka sheegay Shir Jaraa’id, kadib, markii ay Taliyayaasha Hay’addaha Sirdoonka iyo Ammaanka ee dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ku yeesheen caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey waxtarka Milliteriga AMISM  ku soo kordhinayaan Diyaaradahaasi waxa uu rajo ka muujiyey inay horumar ku soo biirin karaan Hawlgalladda AMISOM.

“Marka aan Alshabaab weerarno, wey naga cararaan oo naga dhuuntaan, waayo ma haysano Helikoptaro, waana nagu dhibaato inaan iyaga baacsano” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika, Ismail Chergui.

Waxa uu intaasi ku daray inay ku rajo weyn yihiin inay Uganda ka heli doonaan Helikoptero ay kula dagaalamaan Alshabaab.

- Advertisement -

Mar wax laga weydiiyey haddii ay Diyaaradahaasi ku burburaan Hawlgalladda ka dhanka ah Alshabaab, waxa uu tilmaamay inay  QM bixin doonto kharajka Diyaaradahaasi haddii ay waxyeello soo gaaarto, isla markaana haatan la hayo lacagaha magdhowga.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo ay Dowladda Uganda diyaarado Helikopterro ah  u soo daad-gureeyaan Somalia, tan iyo wixii ka dambeeyey Isku-daygoodii sannadkii 2013-kii oo ay ku burbureen saddex ka mid ah afar Helikoptat oo ku burburay gudaha Kenya, iyagoo ku soo jeeday magaalladda Muqdisho.

Shilkaasi waxaa ku geeriyootay 7 qof oo ka mid ahaa Shaqaalihii Diyaaradahaasi burburay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts