HomeWararMaxkamadda Mombasa oo sii daysay nin lagu tuhusnaaa inuu ka dambeeyey weerarkii...

Maxkamadda Mombasa oo sii daysay nin lagu tuhusnaaa inuu ka dambeeyey weerarkii Alshabaab ku qaadeen Jamaacadda Garissa

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Khalid Ali ayaa laga sii daaayey Maxkamadda magaalladda Mombasa, kadib, markii lagu waayey eedeymo ay Boliska ku sheegeen inuu ahaa maaskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshsbaab bishii April 2-dii ku qaadeen Jamaacadda Garissa, oo lagu dilay 148 qof oo badankooda arday ahaa. Saraakiisha Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ayaa ku eedeeyey inuu Sheekh Maxamed […]

- Advertisement -

Sheekh Maxamed Khalid Ali ayaa laga sii daaayey Maxkamadda magaalladda Mombasa, kadib, markii lagu waayey eedeymo ay Boliska ku sheegeen inuu ahaa maaskaxdii ka dambeysay weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshsbaab bishii April 2-dii ku qaadeen Jamaacadda Garissa, oo lagu dilay 148 qof oo badankooda arday ahaa.

Saraakiisha Boliska La-dagaalanka Argagixisadda ayaa ku eedeeyey inuu Sheekh Maxamed Khalid Ali oo  horey Imaam uga ahaa Masjid ku yaalla Deegaanka Mlango  uu ku lug leeyahay Jeysh Ayman oo ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab.

- Advertisement -

Saraakiisha Boliska waxay kaloo sheegeen inay Ninkaasi bishii May  ka soo qabteen hoygiisa oo ku yaalla Deegaanka Bondeni ee Mombasa, kana soo heleen bam iyo qaraxyo Balaastik ah.

Garsoore Martin Muya ayaa amray in  Sheekh Maxamed Khalid Ali lagu sii daayo damiin lacageed oo dhan 10 million oo Shillinka Kenya.

Sarkaal ka tirsan Boliska La-dagaalanka Argagixisadda Kenya oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in lagu sii daayey damiin lacageed dhan 20-million oo Shilling.

- Advertisement -

Dhinaca kale,  Saraakiisha ayaa ku eedeeyey Garsooraha inuu curyaaminayo Hawlgalka ay Ciiddamadda kula jiraan  waxa ay ugu yeereen Argagixisadda.

 

 

 

 

Latest stories