HomeWararMadaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu ka soo qeybgaley...

Madaxweynaha oo dalka dib ugu soo laabtey, markii uu ka soo qeybgaley Shirkii 3aad ee Caalamiga ee Maalgelinta Horumarinta

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley u Shirkii 3aad ee Caalamiga ee Maalgelinta Horumarinta oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Shirkan ayaa ajendayaasha ugu weyn ee looga hadley waxaa ka mid ahaa qorsheynta barnaamijyo cusub oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka soo qeybgaley u Shirkii 3aad ee Caalamiga ee Maalgelinta Horumarinta oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Shirkan ayaa ajendayaasha ugu weyn ee looga hadley waxaa ka mid ahaa qorsheynta barnaamijyo cusub oo lagu xaqiijinayo horumarka caalamka, sida iskaashiga waddamada, tayeynta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo in waddamada soo koraya loo dejiyo nidaam horumar la taaban karo horseedaya oo la jaanqaadaya hadafyada horumarinta ee Qaramada Midoobay.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan khudbad ka jeediyay, isagoo soo jeediyay in caalamku uu fiiro gaar ah u yeesho waddamada ka soo kabsanaya colaadaha oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha khudbad ka jeediyay kulan uu soo qabanqaabiyey urur goboleedka IGAD, oo looga hadlayey muhimadda xawaaladaha iyo doorka ay ka qaadan karaan horumarinta dhaqaalaha dalalka soo koraya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale intii uu Addis Ababa ku sugnaa kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah madaxda caalamka iyo hay’adaha kala duwan ee shirka ka soo qeybgashey.

- Advertisement -

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay, Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari , xubno ka tirsan labada gole, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts