HomeWararKenya oo ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonaan Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia

Kenya oo ku hanjabtay inay tallaabo ka qaadi doonaan Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Kenya, Fred Matangi’i  ayaa sheegay inay Shirkadaha Telefoonadda ee Somalia carqalad ku hayaan nidaamka Isgaarsiineed ee dalkiisa.

Waxa uu tilmamaay inay khatar ku hayaan Shabakadda Isgaarsiinta Kenya, isla markaana ay cabsi dhinaca ammaanka ku hayaan Degmooyinka Kenya ee kaabiga ku haya xuduudka Somalia.

Wasiirka Warfaafinta ee dalka Kenya, waxa uu sheegay inay cabasho ka soo gaartay Ciiddanka Ammaanka iyo kuwa Milliteriga Kenya, kuwaasi oo codsaday  in tallaabo adag laga qaado Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia ee bixiya Adeegyadda Mobayladda.

“Waxaan ka walaacsanahay faragelinta Shabakadaha Mobaylada, khas ahaan xuduudka Bariga Kenya ee Hawlgalladda Mobayladda Somalia” ayuu yiri Wasiirkasi, oo intaasi ku daray inay khasab tahay inay Kenya tallaabo adag ka qaadan Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia.

Waxa kaloo uu ku nuuxnuuxsaday inuu labo bilood ka hor dhigiisa Somalia kala hadlay  khalkhalka ay Shirkadaha Isgaarsiinta ee Somalia ku hayaan habka  Isgaarsiinta iyo Ammaanka Kenya.

Wasiirka Warfaafinta ee Kenya waxa uu intaasi ku daray inay  xadidan tahay Tallaabooyinka la qaaday, maadaama ay Shirkadaha Isgaastiinta Somalia yihiin kuwo aan Laysimo lahayn, lana maamulin.

Hadalkiisa ayaa waxa lagu fasiran karaa inay caqabad ku yihiin Taawaradda Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia ku leeyihiin Degmooyinka u dhow xuduudka Kenya, iyadoo ay inta badan Soomaalida Kenya ee deggan W/bari Kenya adeegsadaan SIM Cards-ka Shirkadaha Isgaasrsiinta Somalia oo ka jaban qiimo ahaan Shirkadaha kale ee Kenya.

Qeylo-dhaanta ay Dowladda Kenya ka muujinayso Taawaradda Shirkadaha Isgaarsiinta Somalia ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo ay Dowladda Kenya walaac xooggan ku hayaan Dagaalamayaasha Alshabaab ee hawlgalladda ka fuliya Degmooyinka Kenya ee ku teedsan Xuduudka Somalia.

Xigasho: The Star

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories