HomeWararShirkad Yuhuudi loo xil-saaray amamanka Dhismihii Westgate oo ay Alshabaab horey u...

Shirkad Yuhuudi loo xil-saaray amamanka Dhismihii Westgate oo ay Alshabaab horey u weerareen

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Waxaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ee soo socota dib loo furo Dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi, oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab labo sanno ka hor weeraeeen, laguna dilay 67 qof. Shirkad lagu magacaabo IRG oo laga leeyahay Yuhuudda ayaa lagu siiyey Qandaraaska Ammaanka Dhismaha Guud ee Westgate. Shaqaale ka tirsan Shirkadaasai ayaa u […]

- Advertisement -

Waxaa lagu wadaa in maalinta Sabtida ee soo socota dib loo furo Dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalladda Nairobi, oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab labo sanno ka hor weeraeeen, laguna dilay 67 qof.

Shirkad lagu magacaabo IRG oo laga leeyahay Yuhuudda ayaa lagu siiyey Qandaraaska Ammaanka Dhismaha Guud ee Westgate.

- Advertisement -

Shaqaale ka tirsan Shirkadaasai ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inay Ammaanka Westgate loo xil-saaray 25 Khubaro Ammaanka iyo ku-dhawaad 55 Ilaalo ka socda Shirkadda Ammaanka ee G45.

Qalab casri oo looga hortago qaraxyadda, lagunabaarayo gaadiidka, shandadaha iyo dadka ayaana loo sameeyey Dhismaha Westgate.

Waxaa kaloo loo sameeyey Taawer dheer oo aysan xabbaduhu Karin oo loogu talagalay in laga ilaaleeyo Dhismaha oo lagu rakibay Kamirooyinka Qarsoon ee CCTV.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Nairobi, Evans Kidero ayaa sheegay in weerarkii September ee sannadkii 2013-kii ahaa mid ka mid ah Maalmaha Murugada ee Taariikhda dalka Kenya.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa weeraray Dhismaha Westgate bishii September ee sannadkii 2013-kii, waxayna ka dhex dagaalamayeen muddo dhowr maalmood ah.

Iska horimaadyaddii Alshabaab iyo Ciiddanka Ammaanka ku dhex maray gudaha Westgate, waxaa ku geeriyootay 67 qof.

© Radio Dalsan

Latest stories