HomeWararMadaxweynaha oo la kulmey Ra’iisul Wasaaraha Sweden iyo Madaxa Iskaashiga Caalamiga ee...

Madaxweynaha oo la kulmey Ra’iisul Wasaaraha Sweden iyo Madaxa Iskaashiga Caalamiga ee Midowga Yurub

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Sweden, Kjell Stefan Löfvén oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa Shirweynaha 3aad ee Maalgelinta Barnaamijyada Horumarinta Caalamiga. Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, iyo barnaamijyada horumarinta ee Sweden […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Sweden, Kjell Stefan Löfvén oo ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa Shirweynaha 3aad ee Maalgelinta Barnaamijyada Horumarinta Caalamiga.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankooda kaga wadahadley xoojinta xiriirka labada dal, iyo barnaamijyada horumarinta ee Sweden ay dooneyso inay ka taageerto Soomaaliya.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Sweden sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa isla magaalada Addisa Ababa ku qaabiley Madaxa Guddiga Midowga Yurub ugu qaabilsan Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta, Neven Mimica.

Madaxweynaha ayaa wafdiga Midowga Yurub uga warbixiyey xaaladda Soomaaliya, dhinacyada amniga, siyaasadda iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha.

“Midowga Yurub waan uga mahadcelineynaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Soomaaliya u fidinayo. Maadaama aan ka soo gudubney xiligii xaaladaha degdegga, waxaan haatan codsaneynaa in dalkeena laga taageero dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, dib u dhiska ciidamada , iyo in shaqooyin loo abuuro dhalinyarada,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Madaxa Guddiga Midowga Yurub ugu qaabilsan Iskaashiga Caalamiga iyo Horumarinta, Neven Mimica ayaa kulanka ka sheegay in Midowga Yurub uu tixgelin siin doono baahida Soomaaliya ee dhinacyada dib u dhiska , arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirrada Arrimaha Dibedda, Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar, Batroolka , Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka tirsan.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
Tel: Addis Ababa, Ethiopia

Tel: + 251 929 239 925

IB0A4698

vlcsnap-2015-07-14-17h47m16s39

vlcsnap-2015-07-14-18h12m55s61

Latest stories