HomeWararLixdameeyo Jihadistayaal British oo ay Somali ku jiraan oo lagu dilay...

Lixdameeyo Jihadistayaal British oo ay Somali ku jiraan oo lagu dilay Syria

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

In ka badan 60 Jihadistayaal British oo ku biiray Dagaalamayaasha Daacish ayaa lagu dilay dalalka Iraq iyo Syria. Dadkaasi ayaa qeyb ka ahaa 700 Jihadistayaal British oo ku biiray Daacish tan iyo sannadkii 2012-kii. Wargeyska Dail Mail ayaa qoray inay Jihadistayaasha ku geeriyoodeen dagaal iyo Is-qarxin., waxaana ka mid ah Saddex nin oo asal ahaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

In ka badan 60 Jihadistayaal British oo ku biiray Dagaalamayaasha Daacish ayaa lagu dilay dalalka Iraq iyo Syria.

Dadkaasi ayaa qeyb ka ahaa 700 Jihadistayaal British oo ku biiray Daacish tan iyo sannadkii 2012-kii.

- Advertisement -

Wargeyska Dail Mail ayaa qoray inay Jihadistayaasha ku geeriyoodeen dagaal iyo Is-qarxin., waxaana ka mid ah Saddex nin oo asal ahaan Soomaali ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jirey Abdu Abdullahi Alxabashi, Abu Djarda Al-somali iyo Abu Musa Al-somali.

Raggaasi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay gudaha dalka Syria.

Sidoo kale, Wargeyska waxa uu qoray in bishii November ee sannadkii hore ahayd bishii ugu dhimashadda badnayd Muwaadiniinta British ee ku biiray Daacish iyo Maleeshiyooyinka Jabhatul-nusra iyo Free Syrian Army.

- Advertisement -

Xoghayaha Gaashaandhigga Britain, Michael Fallon ayaa dhawaan sheegay inay Xukuumadiisa garwaaqsatay in duqeyn lala beegsado deegaannadda ay Daacish kaga xooggan yihiin dalka Syria.

Waxa uu intaasi ku daray in duqeynta la kordhin doono, kadib, markii 30 Dalxiisayaal British bishii hore lagu dilay dalka Tunisia.

Diyaaradaha Dagaalka ee Boqortooyadda Britain ee RAF ayaa la sheegay inay qaadeen in ka badan 300 oo duqeyn ah oo lala beegsaday goobaha ay Daacish ka joogaan dalka Syria.

Xukuumadda British waxay kaloo qorsheynayaan inay 100 Askari u diraan dalka Syria, si ay ugu biiraan Ciiddanka Gaarka e Maraykanka ee dagaalka qarsoon kula jira Kooxda Daacish.

Xigasho: Dail Mail

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts