HomeWararHaweeney Somali Maraykan shaacisay inay u taagan tahay Madaxtinimadda Somalia

Haweeney Somali Maraykan shaacisay inay u taagan tahay Madaxtinimadda Somalia

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Haweneeydii Labaad ee Somali ah ayaa ku dhawaaqday inay danaynayso inay ka qeyb gasho Loolanka Madaxtinimadda Somalia ee la filayo in la qabto sannadka soo socda. Anab Mohamed Dahir  ayaa arrinkaasi kaga dhawaaqday magaalladda Saint Cloud ee dalka Maraykanka, waxayna xustay inay la loolamayso Musharixiinta ragga. Waxay intaasi ku dartay inay ragga Soomaaliyeed ku fashilmeen […]

- Advertisement -

Haweneeydii Labaad ee Somali ah ayaa ku dhawaaqday inay danaynayso inay ka qeyb gasho Loolanka Madaxtinimadda Somalia ee la filayo in la qabto sannadka soo socda.

Anab Mohamed Dahir  ayaa arrinkaasi kaga dhawaaqday magaalladda Saint Cloud ee dalka Maraykanka, waxayna xustay inay la loolamayso Musharixiinta ragga.

- Advertisement -

Waxay intaasi ku dartay inay ragga Soomaaliyeed ku fashilmeen Dib-u-dhiska dalka 25-kii sanno ee la soo dhaafay.

Wargeyska The St. Cloud Times  ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray in Musharax Anab Dahir oo dalka Maraykanka tegtay sannadkii 2008-dii rumeysan tahay in Khibraddii iyo Aqoontii ay ka baratay Maraykanka ka caawin karo inay gaarto hadafkeeda ah inay dib u dayactiro dalkeeda hooyo.

“Waxaan filayaa inuu dalkeennu u baahan yahay aniga iyo dadka kale ee ila midka ah” ayey tiri Anab Dahir oo sheegtay inay  rajo ka qabato inay isdel dhaliso haddii ay ku guuleysato xilka Madaxtinimadda Somalia.

- Advertisement -

Musharax Anab Mohamed Dahir  waxay sheegtay inay khatar ku noqon karto inay u tartanto Xilka Madaxtinbimadda, waxayna farta ku fiiqday inay jiraan dad doonaya inay iyadaka takhalusaan, waa sida ay hadalka u tiri, inkastoo aysan sheegin dadka ay ku tuhunsan tahay in ay iyada dilaan.

“Laakiin, waxaan doonayaa inaan u geeriyoodo isbedelka dalkayga” ayey sii raacisay.

Dhinaca kale, Musharaxadda Somali-Finlanderka ah ee Fadumo Dayib iyo haween kale oo tiro yar ayaa waxay iyagana rajo ka qabaan inay noqdaan Madaxweynihii ugu horreeyey oo dumar ah oo Madax ka noqda dalka Somalia.

Dhinaca kale, Ma aha markii ugu horreysay oo ay Musharixiin haween ah isku soo taagaan Doorashadda Madaxweynenimo, iyadoo Drs. Dahabo Cabdi Maxamed “Dahabo Cuud” ahayd Musharaxad isku soo taagtay Xilka Madaxtinimadda ee Maamul-gobaleedka Galmudug ee dhawaan lagu qabtay Degmadda Cadaado.

dahabo cuud anab mohamed Daahir
fatumo dayib

Xigasho:-  The St. Cloud Times 

Latest stories