HomeWararFalaanqeyn:- Shirka saddex-geesoodka ee Ra’isul-wasaare Sharmaarke la leeyahay Gaas iyo Axmed Madoobe

Falaanqeyn:- Shirka saddex-geesoodka ee Ra’isul-wasaare Sharmaarke la leeyahay Gaas iyo Axmed Madoobe

Date:

Related stories

Muqdisho Oo Shaacisay Natiijada Fasalka 8aad 2025-2026

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay natiijada imtixaanka Fasalka 8aad, iyadoo saddex arday lagu dhawaaqay inay kaalmaha ugu sarreeya galeen, lana guddoonsiiyay abaalmarinno.

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Dr. Omar Abdirashid Ali Sharma’arke ayaa maalintii labaad booqasho hawleed ku jooga magaalla-madaxda Gobalka Nugaal ee Garowe oo Xarun Dhexe u ah Maamul-gobaleedka Puntland. Ra’isu-wasaaruhu waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe, oo iyaga lagu tilmaamo  inay dhiseen Isbahaysi Siyaasadeed oo […]

- Advertisement -

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Dr. Omar Abdirashid Ali Sharma’arke ayaa maalintii labaad booqasho hawleed ku jooga magaalla-madaxda Gobalka Nugaal ee Garowe oo Xarun Dhexe u ah Maamul-gobaleedka Puntland.

Ra’isu-wasaaruhu waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe, oo iyaga lagu tilmaamo  inay dhiseen Isbahaysi Siyaasadeed oo col la leh dhacdo kasta oo ay Dowladda Federalka ku dhaqaaqdo.

- Advertisement -

Shirka saddex-geesoodka Garowe ayaa ah mid si xooggan looga dooday Ajendayaasha ay ka midka yihiin Khilaafka ay Madaxda Puntland iyo Jubba ku mucaaradsan yihiin Dowladda Dhexe, Dhismaha Guddiyadda Federalka iyo Xuduudaha ee ay Xildhibaanadda Qaranka ansixiyeen, Maamul-gobaleedka Galmudug iyo qoddobo kale.

Inkastoo uu shirkaasi ahaa mid albaabadda u xirnaa, haddana ilo muhiim ah ayaa sheegay in Shirkaasi si xooggan la isugu maan-dhaafay, iyadoo Ra’isul-wasaaruhu muujiyey inaysan muuqanin sababo ay Puntland iyo Jubbaland uga didaan Dowladda Dhexe iyo Maamulka Galmudug.

Caqabad-siyaasadeed oo la isku mari waayey ayeyna noqdeen Ajendayaashii ay Isbahaysiga Garowe soo bandhigeen, maadaama ay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka yihiin Sharci-dejiyayaasha Qaranka, isla markaana aan laga gorgortami karin Guddiyadda Heerka Qaran ee ay u codeeyeen.

- Advertisement -

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegeen in ay C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ka goos-adeegeen inay ictiraafan Guddiyadda Qaranka ee ay Barlamaanka Federalka ansixiyeen.

Qoddobka Maamul-gobaleedka Galmudug oo ay Maamulka Puntland u arko Utin-siyaasadeed oo iyagu lagu dhabar-jebinayo ayaa waxa uu noqday qoddob isbaaro u noqday Shirkii Saddex Geesoodka ee Garowe.

Madaxweyne Gaas ayaana ku adkeystay inaysan Reer Puntland liqi karin Maamulka Galmudug, kuna tilmaamay Maamul ka hor imaanayo Dastuurka Federalka.

Qoddobka kale ee ku saabsan Hiigsiga sannadka 2016 ayaa u muuqda mid loo baahan yahay in Shirar kale looga arrinsado, maadaama uusan ahayn Qoddob xilligiisu haatan tagan yahay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in ay Madaxda Puntland iyo Jubbaland isku arkaan cudud ku miisaan ah awooda sharciyadda ee Dowladda Dhexe, waxayna taasi wax u dhimi kartaa Aayaha Qaranimo ee la hiisanayo.

Siyaasiyiinta ayaa waxay kaloo su’aal ka keeneen sababaha uu Madaxweynaha Jubbaland afka u kala furtay markii uu Garowe yimid, kuna dhawaaqay inuu ka soo horjeedo Siyaasadda Dowladda Federalka.

Hoggaamiyaha Jubbaland oo isagu u muuqda Hayin-raace ayaa waxay horey isugu dhaceen Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedka K/galbeed Somalia,kadib, markii uu tahli kari waayey inuu Barlamaanka Federalka ku qanciyo inay la xaliyaan khilaafka ka dhashay Xildhibaanaddii  Barlamaankii Jubbaland ee la kala diray.

Guux xooggan ayaana ka taagnaa qaabka loo dhoisay Barlamaan-gobaleedkaasi oo u muuqday inuu ahaa mid rimay-gacmeed ah, isla markaana  aysan u dhamayn Beelaha Soomaalida dhaladka u ah Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo.

© Radio Dalsan                   

 

Latest stories