HomeWararBurcad-baddeedii laga sii daayey Xabsiyadda Kenya oo laga cabsi qabo inay dib...

Burcad-baddeedii laga sii daayey Xabsiyadda Kenya oo laga cabsi qabo inay dib u hawl galaan

Date:

Related stories

Cirro iyo Trump: Kulankii Washington Ka Dhici Waayay iyo sababta

Cirro oo booqashadiisii Mareykanka ku soo gabagabeeyay isaga oo aan la kulmin Trump, isla markaana aan helin ballanqaad rasmi ah oo aqoonsi.

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

La-taliyaha Hay’adda Baddaha ee magaalladda Mombasa ee dalka Kenya, ayaa u sheegay Wargeyska ka faallooda Arrimaha Baddaha ee HIS Maritime inay ka walaacsan yihiin qorshe la’aan Dhaqan-celinta ee Burcad-baddeeda Soomaalida ee dhawaan laga sii daayey Xabsiga magaalladda  Mombasa. Mwinyi Jahazi ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan inay Burcad-baddeedaasi mustaqbalka dhow dib ugu laabtaan Badda, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

La-taliyaha Hay’adda Baddaha ee magaalladda Mombasa ee dalka Kenya,

ayaa u sheegay Wargeyska ka faallooda Arrimaha Baddaha ee HIS Maritime inay ka walaacsan yihiin qorshe la’aan Dhaqan-celinta ee Burcad-baddeeda Soomaalida ee dhawaan laga sii daayey Xabsiga magaalladda  Mombasa.

- Advertisement -

Mwinyi Jahazi ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan inay Burcad-baddeedaasi mustaqbalka dhow dib ugu laabtaan Badda, si ay u qafaashaan Maraakiib.

Waxa uu intaasi ku daray in Burcad-baddeeda ku adag tahay inay hawlgab ka noqdaan Hawlgalkaasi, maadaama lagu leeyahay kharajyo dayn ah.

Burcad-baddeeda ayaa la sheegay inay haatan raadinayaan shaqooyin ay macaash ka heli karaamn, waxayna badankooda doonayaan inay ilaalo  hubeysan ka noqdaan Doonyaha Kalluumeysiga ee sida sharci-darradda uga kallumeysta Badda Somalia.

- Advertisement -

Kalluumeystadda Maxaliga ayaa sheegay inay jiraan in Burcad-baddeeda ku biirayaan Kooxha Ilaaladda Khaaska ee inta badan gacansaarka la leh Hoggaamiyayaasha Burcad-baddeeda iyo Ganacstadda ka hawgasha dalalka Imaaraadka, Kenya, Oman, Iran, Yemen iyo Maamul-gobaleedydda Puntland iyo Somaliland.

Qeylo-dhaantaai ayaa imaanayso iyadoo shaki laga qabo shaqada ay ku hawl geli doonaan Burcad-baddeedii Soomaalida laga sii daayey Xabsiga Shimo La Tewa ee magaalladda Mombasa.

64 Burcad-baddeed ayaa dhawaan la sii daayey, laguna celiyey Somalia, iyadoo 14 kalena lagu wado in  bisha soo socoto la sii daayo, lagua celiyo dalkooda hooyo.

Haatan Xabsiga Shimo La Tewa ee Mombasa waxaa ku xiran 150 Burcad-baddeed, kuwaasi oo ay Maxkamadaha Kenya horey u xukumeen.

© Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts