HomeWararUganda oo loo gacan geliyey Hoggaamiye Islaami oo gacansaar la lahaa ...

Uganda oo loo gacan geliyey Hoggaamiye Islaami oo gacansaar la lahaa Alshabaab

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Hoggaamiyihii Isbahaysiga hubeysan ee Ciiddanka Dimuqraadiyadda ee ka soo horjeeda Dowladda Uganda, Jamiil Mukulu ayaa la sheegay in uu ku xiran yahay Saldhiga Boliska ee Jinja ee dalka Uganda, kadib, markii ay Dowladda Tanzania  u soo gudbiyeen Dowladda Uganda. Jamiil Mukulu oo 51-jir waxaa bishii April lagu xiray dalka Tanzania, kadib, markii ay Boliska Caalamiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiyihii Isbahaysiga hubeysan ee Ciiddanka Dimuqraadiyadda ee ka soo horjeeda Dowladda Uganda, Jamiil Mukulu ayaa la sheegay in uu ku xiran yahay Saldhiga Boliska ee Jinja ee dalka Uganda, kadib, markii ay Dowladda Tanzania  u soo gudbiyeen Dowladda Uganda.

Jamiil Mukulu oo 51-jir waxaa bishii April lagu xiray dalka Tanzania, kadib, markii ay Boliska Caalamiga ee INTERPOL horey u soo saareen amar lagu soo xiray Hoggaamiyahaasi oo dagaal hubeysan waday muddo 20-sanno.

- Advertisement -

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Isbahayiga ADF, Jamiil Mukulu uu gacansaar la lahaa Alshabaabka Somalia, isla markaana ay Kooxdiisa ka mas’uul yihiin weeraro dad lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka Uganda.

Dowladda Uganda waxay ku eedeeeyaan  Dagaalamayaasha Alshabaab inay ka dambeeyeen mas’uuliyadda qaraxyaddii matanaha ee bishii July  ee sannadkii 2010-kii ka dhacay magaalladda Kampala laguna dilay 76 qof.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Uganda, Jeneral Kaale Kayihura ayaa sheegay in qabashadda  Jamiil Mukulu tahay  guul weyn, wuxuuna ku tilmaamay Hoggaamiyahaasi inuu Uganda ugala dhigan yahay Hoggaamiyihii Ururka  Alqaacida, Usaama Bin Laadin.

- Advertisement -

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts