HomeWararKenya: Duqeyntii Diyaradaha ay shalay ka geysteen Gobalka Gedo waxay qeyb ka...

Kenya: Duqeyntii Diyaradaha ay shalay ka geysteen Gobalka Gedo waxay qeyb ka tahay Hawlgalka lagula dagaalamayo Alshabaab

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Afhayeenka Milliteriga Kenya, Kolonel David  Obonyo ayaa xaqiijiyey inay Diyaaradahooda Dagaalka shalay weerar ka geysteen Tuulladda Dhamase ee Gobalka Gedo, kaasi oo lagu dilay 10 qof oo rayid ahaa. Isagoo la hadlayey Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa waxa uu sheegay inay duqeyntaasi qeyb ka tahay Hawlgalka socda ee lagula dagaalamayo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Milliteriga Kenya, Kolonel David  Obonyo ayaa xaqiijiyey inay Diyaaradahooda Dagaalka shalay weerar ka geysteen Tuulladda Dhamase ee Gobalka Gedo, kaasi oo lagu dilay 10 qof oo rayid ahaa.

Isagoo la hadlayey Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa waxa uu sheegay inay duqeyntaasi qeyb ka tahay Hawlgalka socda ee lagula dagaalamayo Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

“Duqeymaha Diyaaradaha ma aha mid lagu ciqaabayo dadka rayidka, balse waxay qeyb ka yihiin Hawlgalladda ka dhanka ah Alshabaab” ayuu yiri Afhayeenka Milliteriga Kenya.

Afhayeenka waxa uu sheegay tan iyo markii ay Milliteriga Ethiopia dhawaan soo galeen K/Galbeed Somalia inay  Dagaalyahannada Alshabaab u soo dhaqaaqeen inay farisimo ka dhigtaan  deegaannadda ku dhow xuduudka Kenya.

Kolonel David  Obonyo ma xaqqijinin khasaaraha ka dhashay duqeymaha ay Diyaaradaha Kenya ka geysteen Tuulladda Dhamase ee Gobalka Gedo.

- Advertisement -

Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya waxay shalay labo weerar ka geysteen Gobalka Gedo, iyadoo 10 qof oo rayid ahaa oo shan ka mid carruur ahaayeen lagu dilay weerar ka dhacay Tuuladda Dhamase.

Xigasho: The Star

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts