HomeWararCiiddankii Badda ee Shiinaha ka joogay Xeebaha Somalia oo dib ugu laabtay...

Ciiddankii Badda ee Shiinaha ka joogay Xeebaha Somalia oo dib ugu laabtay dalkooda

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Maraakiibta Dagaalka ee Ciiddanka Shiinaha ee qeybta ka ahaa Hawlgalka Caalamka ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida ayaa shalay ka shiraacday Xeebaha Somalia, kadib, markii ay dhamaysteen Hawlgalkooda. Hadal ka soo baxay Ciiddanka Badda ee Shiinaha ayaa lagu sheegay inay Maraakiibtaasi badbaadiyeen 109 maraakiib ganacsi tan iyo bishii December ee saannadkii hore. Maraakiibtaasi waxay kaloo taageero ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maraakiibta Dagaalka ee Ciiddanka Shiinaha ee qeybta ka ahaa Hawlgalka Caalamka ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda Soomaalida ayaa shalay ka shiraacday Xeebaha Somalia, kadib, markii ay dhamaysteen Hawlgalkooda.

Hadal ka soo baxay Ciiddanka Badda ee Shiinaha ayaa lagu sheegay inay Maraakiibtaasi badbaadiyeen 109 maraakiib ganacsi tan iyo bishii December ee saannadkii hore.

- Advertisement -

Maraakiibtaasi waxay kaloo taageero ka geysteen Hawlgalkii  Muwaadiniinta Shiinaha iyo kuwa shisheeyaha bilowgii sannadkan looga soo saaray dalka Yemen.

Dowladda DShiinaha waxay Ciiddankii ugu horreeyey ee ka qeyb qaatay Hawlgalka caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Soomaaliyeed u soo direen bishii December ee sannadkii 2008-dii.

Si kastaba ha ahaatee, ambabaxa Ciiddanka Badda Shiinaha ee ka joogay Xeebaha Somalia ayaa ku soo beegantay iyadoo aad loo hadal-hayo inay Dowladda Shiinaha danaynayso inay Saldhig Milliteri ka samaystaan Dekedaha Jabuuti.

- Advertisement -

Ciiddanka Badda ee dalalka Maraykanka, Faransiiska iyo Japan ayaa haatan saldhigyo Milliteri ku leh Jabuuti oo ku taalla goob Istaraatijiyad Milliteri leh.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts