HomeWararXujeyda Soomaalida iyo kuwo kale oo loogu baaqay inay qaataan goojadda looga...

Xujeyda Soomaalida iyo kuwo kale oo loogu baaqay inay qaataan goojadda looga hortago cuddurka Polio

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Afhayeenka rasmiga ee Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Sacuudiga, Dr. Khaalid Bin Maxamed Al-murkhulaani ayaa sheegay in la adkeeyey xaalladda caafimaadka ee dadka gudanayo Waajibaadka Xajka iyo Cimradda ee sannadkan. Afhayeenka waxa uu sheegay in dhamaan Xujeeyda iyo dadka cimreysanayo loo baahan yahay inay qaataan daawada looga hortago qandhada cuddurka Menajaytiska  (Fever meningitis) ama  (الشوكية المخية […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka rasmiga ee Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Sacuudiga, Dr. Khaalid Bin Maxamed Al-murkhulaani ayaa sheegay in la adkeeyey xaalladda caafimaadka ee dadka gudanayo Waajibaadka Xajka iyo Cimradda ee sannadkan.

Afhayeenka waxa uu sheegay in dhamaan Xujeeyda iyo dadka cimreysanayo loo baahan yahay inay qaataan daawada looga hortago qandhada cuddurka Menajaytiska  (Fever meningitis) ama  (الشوكية المخية الحمى). Afhayeenka waxa uu si gaar ah ugu baaqay  Xujeyda ka kala imaanayso dalalka Somalia, Pakistan, Afghanistan, Nigeria, Cameroon, Ethiopia, Syria,Yemen, Falastiin, Gini, Iraq, Equatorial Gini, Koonfurta Sudan iyo Madagaskar inay horey u soo qaataan Waraaqaha Caafimaadka ee xajiinayo inay soo qaateen dhibcooyinka goojadda (the oral polio vaccine) looga hortago cuddurka Dabaysha ama Polio. Waxa uu Xujeyda u sheegay inay goojadda ka-hortagga Dabaysha qaataan lix Toddobaad ka hor intaysan u soo ambabixin Xajka, iyadoo Xujeyda mar kalena la siinayo Goojadaasi marka ay ka soo degaan Garoomada Diyaaradaha iyo Dekeddaha dalka Sacuudiga. Dhinaca kale, Afhayeenka rasmiga ee Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Sacuudiga, Dr. Khaalid Bin Maxamed Al-murkhulaani waxa uu sheegay inaan wax Fiiso ah la siin doonin Xujeyda ka imanaanayo dalalka Gini iyo Sierra Leone oo uu weli ka jiro cuddurka Ebolaha, sida ay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO xaqiijiyeen. © Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts