HomeWararSuxufiyiin ku xirnaa Ethiopia oo la sii daayey

Suxufiyiin ku xirnaa Ethiopia oo la sii daayey

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Shan Saxafi oo muddo ka badan hal sanno dhex yururay Xabsiyadda Ethiopia ayaa la sii daayey, kadib, markii uu Dacwad-oogaha Dowladda ka laabtay Eedeymihii loo haystay Suxufiyiintaasi.

Aljazeera ayaa sheegtay in Suxufiyiintaasi shalay la soo daayey, inkastoo ay ugu yaraan afar kale weli ku xiran yihiin Xabsiga.

Shabakad Wareed oo laga leeyahay Ethiopia ayaa qortay in la sii daayey Suxufiyiinta bloggers-ka ee lagu kala magacaabo Zelalem Kibret iyo Mahlet Fantahun, oo xubno ka ah the blog Zone 9.

Waxaa kaloo la sii daayey Suxufiyiinta kala ah:Tesfalem Wadyes, Asmamaw Hailegiorgis iyo Edom Kassaye.

Sii-dayntooda ayaa timid, iyadoo lagu wado inuu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama dabayaaqada bishan booqasho ku tego Ethiopia.

Dhinaca kale, Ethiopia waxay ka mid tahay tobanka waddan ee Caalamka ugu faaf-reebka badan, laguna caburiyo Xorriyatul-qoolka.

Warbixin ay soo saartay Jaamacadda The University of Toronto ayaa lagu sheegay inay Dowladda Ethiopia adeegsato qalabka sirdoonka si ay ugu kormeerto Suxufiyiinta Ethiopianka ee ku kala nool Caalamka.

Xigasho: Aljazeera.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories