HomeWararRW Cumar oo ka qayb galay xuska sanad guuradii kowaad ee Idaacada...

RW Cumar oo ka qayb galay xuska sanad guuradii kowaad ee Idaacada Codka Ciidamadda

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 1-aad ee aas-aaska Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka sida oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxana sidoo kale munaasabadda ka qayb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha Ciidamadda qalabka sida iyo masuuliyiin kale. Ugu horeyn, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka qayb galay Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii 1-aad ee aas-aaska Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka sida oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxana sidoo kale munaasabadda ka qayb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, taliyeyaasha Ciidamadda qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Ugu horeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya S/G Daahir Aaden Cimi, waxana uu xusay mudadii ay jirtay Idaacadda Codka Ciidamadda in ay door wayn ka qaadatay xog gaarsiinta qaybaha Ciidamadda, isagoo xusay in dhawaan Idaacadda la gaarsiin doono gobollada dalka. Taliyaha ayaa geesta kale ku ammaanay maamulka iyo masuuliyiinta idaacadda sida ay uga go’an tahay horumarinta Warbaahinta Ciidamadda.

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa sheegay in yoolkii loo aas-aasay Idaacadda ay ku socoto, Wasaaradda Gaashaandhiguna ay qaadan doonto doorkeeda kaga aadan horumarinta Idaacadda, si loogu baraarujiyo qaybaha kala duwan ee ciidamadda waajibaadka saaran.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashid Cali Sharmaarke, oo munaasabadda ka hadlay ayaa boggaadiyay shaqada ay qaranka u hayso Idaacaddu, wuxuuna tilmaamay Xukuumaddu in ay u diyaarin doonto maaliyadda lagu kabo isla markaana laga doonayo maamulka Idacaddu in ay horey usii dhaqaajiyaan shaqada ay hayaan.

“Xukuumaddeydu waxay diyaarinaysaa Miisaaniyaddii ay dowladdu ku shaqayn lahayd, waxaan qoondo u sameyn doonaa horumarinta warbaahinta gaar ahaan tan Ciidamadda oo mudadii ay jirtay muujisay doorkeeda, waxaa ii muuqda in guul laga gaaray hadafkii loo sameeyey Idaacadda Ciidamadda”ayuu yiri R.Wasaare Sharmaarke.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumaddu qorshayaal badan oo qaranka lagu horumarinayo diyaarisay, iyadoo dhawaan guul laga gaaray dhismaha Maamulka Gobollada dhexe iyo guddiyadii heer qaran ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo Baarlamaanku meel mariyeen.

—DHAMMAAD—

Afhayeenka Xukuumadda F. Soomaaliya
Abdisalam Ahmed Ato
E-mail: aatostratcom@gmail.com
Tel: +252-6162-64800
Twitter: SomaliPM

20150708 151648
20150708 151654
20150708 151850
20150708 151858
20150708 151934
20150708 155336
20150708 161127
20150708 161536

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts