HomeWararMuwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfurta Suudaan

Muwaadiniin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfurta Suudaan

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Labo Dareewal oo Somali ah ayaa lagu dilay magaalladda Rumbek  oo caasimad-gobaleedka Gobalka Harooyinka ee K/Sudan ee Rumbek.

Dareewalladaasi oo ka mid ah shaqaalaha Shirkadda Shidaalka ee Dalbit International ayaa waxaa la weeraray iyagoo waday gawaarida Booyadlayaasha ee shidaalka, kuna sii jeeday Gobalka Baxarul-qasaal.

Ganacsade Muuse Khaalid oo ku sugan magaalladda Rumbek ayaa sheegay inay kooxo hubeysan tacshiirad ku fureen Dareewaladaasi oo waday gaadiid shidaal.

Isagoo la hadlayey Wargeyska ST ayaa waxa uu sheegay in weeraradaasi lagu dilay  shan qof oo kala ah: 2 Dareewal oo Somali ah, Ganacsade u dhashay Uganda  iyo nin u dhashay dalka Koonfurta Suudaan.

Ganacsadahaasi ma sheegin magacyadda Marxuumiinta Soomaalida ee lagu dilay dalkaasi.

Wasiir-gobaleedka Dowladaha Hoose iyo Xoojinta Sharciga ee Gobalka Harooyinka ee dalka Koonfurta Sudan, Jook Ayoom ayaa xaqiijiyey dilalkaasi.

Inta badan Gobalkaasi waxaa ka dhaca weeraro lagu kala dhaco Lo’da, oo u dhexeeya Qabaa’illadda halkaasi ku wada nool.

© Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories