HomeWararMaraykanka iyo Jarmalka oo sheegay inay Kenya ka taageerayaan La-dagaalanka Alshabaab

Maraykanka iyo Jarmalka oo sheegay inay Kenya ka taageerayaan La-dagaalanka Alshabaab

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambaasador Robert Godec oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa sheegay inay sii wadayaan  taageeradda ay Dowladda Kenya codsato si loo wiiqo weeraradda Dagaalamayaasha Alshabaab Somalia. “Dowladda Kenya waxaan taageero ka siinaynaa dagaalka Alshabaab” ayuu yiri Ambaasador Robert Godec. Waxa kaloo uu tilmaamay inay muhiim […]

- Advertisement -

Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Kenya, Ambaasador Robert Godec oo la hadlay mid ka mid ah Warbaahinta Kenya ayaa sheegay inay sii wadayaan  taageeradda ay Dowladda Kenya codsato si loo wiiqo weeraradda Dagaalamayaasha Alshabaab Somalia.

“Dowladda Kenya waxaan taageero ka siinaynaa dagaalka Alshabaab” ayuu yiri Ambaasador Robert Godec.

- Advertisement -

Waxa kaloo uu tilmaamay inay muhiim ahayd in Ciiddanka Kenya loo daad-gureeyo gudaha dalka Somalia, si ay gacan uga geystaan hawlgalka AMISOM ee lagula dagaalamayo Alshabaab, isla markaana lagu doonayo in lagu so oceliyo Nabadda Somalia.

Danjiraha Maraykanka ee u jooga Kenya, waxa uu ku taliyey  in loo baahan yahay inay Ciiddanka Ammaanka Kenya helaan wadiiqooyin kale oo looga hortegi karo weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan gudaha Kenya.

Dhinaca kale, Danjiraha Jarmalka ee u jooga Kenya, Andreas Peschke ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la kulmay Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya, William Ruto.

- Advertisement -

Danjiraha oo xilkaasi ka degayo ayaa sheegay inay Kenya weli caqabad weyn kala kulmaan Alshabaab, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Dowladda Jarmalka taageero ka geysanayaan sidii wax looga qaban lahaa arrintaasi.

“Waxaan kharaj dheeraad ah ku bixin doonaa sidii wax looga qaban lahaa nabadgelyo-xumidda dalka Kenya oo ay ugu daran tahay cabsida ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku hayaan Kenya” ayuu yiri Danjirahaasi.

© Radio Dalsan 

Latest stories