HomeWararWafuud Masari ah oo ku soo fool Muqdisho iyo lo’dii ugu horreysay...

Wafuud Masari ah oo ku soo fool Muqdisho iyo lo’dii ugu horreysay oo loo dhoofinayo Masar

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Beeraha ee dalka Masar ayaa lagu sheegay inay Wafdi u soo direen Somalia, si ay u kormeeraan Hawlaha lagu dhoofinayo shan kun oo neef oo lo’ ah. Wafdigaasi oo uu horkacayo Madaxa Wasaaradda Beeraha Masar ugu qaabilsan Maxjarada, Dr. Jaad Almowli  ayaa waxaa kaloo ka mid ah Madaxa Machadka baaritaanka […]

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Beeraha ee dalka Masar ayaa lagu sheegay inay Wafdi u soo direen Somalia, si ay u kormeeraan Hawlaha lagu dhoofinayo shan kun oo neef oo lo’ ah.

Wafdigaasi oo uu horkacayo Madaxa Wasaaradda Beeraha Masar ugu qaabilsan Maxjarada, Dr. Jaad Almowli  ayaa waxaa kaloo ka mid ah Madaxa Machadka baaritaanka Caafimaadka Xoolaha ee Masar, Dr. Cisaam Maxamed, kuwaasi oo booqan doona Maxjaradda lagu xannaaneeyo Xoolaha, si ay u baaraan caafimaadka lo’da loo dhoofinayo dalka Masar.

- Advertisement -

Wasiirka Beeraha iyo Hagaajinta Dhulka ee dalka Msaar, Dr. Salaax Hilaal iyo Wasiiiraka Xannaanadda Xoolaha ee Xukuumadda Federalka Somalia, ayaa bishii hore kala saxiixdeen Heshiis Borotool, oo dalka Masar bishiiba loogfu dhoofinayo 5,000 oo neef oo lo’ ah.

Labada Dowladood waxay kaloo ku heshiiyeen in Maxjaro lagu xannaaneyo xoolaha loo dhoofinayo Masar laga hirgeliyo magaallooyinka Muqdisho, Berbera iyo Bosaaso.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha dalka Masar, Engineer Ibraahim Maxlab iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay bartamaha bishan booqasho ku yimaadaan magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Wafdiga Ra’isul-wasaaraha Masar oo ay ka mid yihiin Wasiiradda Beeraha iyo Hagaajinta Dhulka, Dr. Salaax Hilaal, Wasiirka Maalgashiga, Dr. Khaalid Xanafi, Wasiiro kale iyo Maal-gashadayaal Masaari ah, ayaa la filayaa  inay maalmaha ciiddul-fitriga soo gaaraan magaalladda  Muqdisho.

Warbaahinta Masar ayaa shaaciyey inay Wafdigaasi ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda Dowladda Federalka iyo Ganacsatadda Soomaalida, si ay u kala saxiixdeen Hawlaha Maalgashiga, Ganacsiga iyo sidii loo horumarin lahaa Xiriirka Masar iyo Somalia.

Wafdigaasi ayaa noqon doona Wafdigii ugu ballaarnaa ee ka socda dalka Masar oo booqasho ku yimaada magaalladda Muqdisho, tan iyo burburkii Dowladnimadda Somalia ee sannadkii 1991-kii.

© Radio Dalsan

Latest stories